Muwaadin Ugu Deeqay Wadada Ceerigaabo 10 Diig Iyo $10 Iyo Codsiga Uu Diray

0
600

Picture1Hargeysa (Geeska)- Muwaadin Cabdilaahi Cabdi Yuusuf (Nabadoon) oo ah muwaadin u dhashay Somaliland ayaa ka dhawaajiyay inuu Wadada isku xidhi doonta Burco iyo Ceerigaabo ugu deeqay 10 Diig iyo $10 dollar, taas oo ah karaankiisa.

Muwaadinkan oo dhaqda 200 oo Digaag ah ayaa sheegay inuu ka muwaadin ahaan kaga qayb qaadan doono deeqdaas uu sheegay, waxaana isaga oo dareenkiisa ka hadlaya uu yidhi “Waxaan kaga qayb qaadanaya Qaadhaan ururinta Wadada Ceerigaabo, taas oo runtii aan shakhsi ahaan intii awoodayda ah aan soo bandhigay, waxaanan leeyahay Wadadani Burco iyo Ceerigaabo isku xidhi maysee waxay isku xidhaysaa Ceerigaabo iyo Addis Ababa, waxaanan leeyahay umadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan walaalayaal aynu ka qayb qaadano Qaadhaan uruurinta Wadadaas Ceerigaabo”.

Dhanka kale Muwaadinkan ayaa ka codsaday Xukuumada in Wadadan Ceerigaabo loogu Magac Daro Xaaji Cabdikariin (Cabdi Waraabe) oo ah Oday qaali ku ah Wadanka Somaliland, waxaana isaga oo ka hadlaya Codsigiisan uu yidhi “Waxaan ka Codsanayaa Xukuumadda iyo cid kasta oo ah Somaliland inay Waddadan Halbawlaha u noqon doonta isku socodka Gobollada Somaliland inay ugu Magac daraan Odayga reer Somaliland ah ee Nabada dalkeena hormoodka u ahaa ee Cabdi Waraabe, waxay tani u noqon doontaa Abaalgud aynu ugu abaalgudayno wixii uu inoo qabtay ee uu wadankeena u qabtay, waxaanan leeyahay reer Somaliland-ow intuu Xaajigu nool yahay aynu magaciisa kor u qaadno oo Wadadan Ceerigaabo Xaaji Cabdi Waraabe ha loo bixiyo Insha Allah” ayuu hadalkiisi ku soo gunaanaday.