Muwaadin Reer Jabuuti ah Oo Cabasho ka Muujiyay Guryo Ay Hargaysa ku Lahaayeen Oo Mulkiyado Been Abuura loo Samaystay

20
2855

Muwaadin Naasir Cabdilaahi Nuur oo ah muwaadin reer Jabuuti ah sidoo kalana u dhashay  somaliland  ayaa cabasho xoogan ka muujiyay cadaalad darooyin faro badan oo lagula kacay,waxaanu dhibanahan oo warbaahinta u waramay sheegay in xoog lagaga haysto guryo ay kulahaayeen magaalada Hargaysa, isaga oo bedka soo dhigay arimo laf jab ku ah Maamulka Dawlada Hoose ee Caasimada Hargaysa, ka dib sida uu sheegay dhibanahani markii maayarka caasimada Hargaysa  mulkiyad been abuur ah uu u sameeyay dad kiro ahaan ugu jiray bakhaaro ay ku leeyihiin Badhtamaha caasimada Hargaysa.

Muwaadinkan reer jabuuti ayaa sidoo kale soo bandhigay kala duwanaanshaha waraaqahan been abuurka ah ee loo samaystay sedexda guri ee ay ku leeyihiin badhtamaha suuqa Hargaysa oo mudo dheer kiro loogu jray ayna u samaysteen kiraystayaashii ku jiray.

Sidoo kale Muwadin Naasir ayaa fashiliyay  in shaqsiyaadka degan guryahan kirada ugu jiraa ay ardiyadahan been abuurka ah ee ay sameysteen ay baananka kaga qaateen lacago Faro badan Mr. Naasir ayaa maayarka caasimada Hargaysa C/raxaan Soltelco ku eedeeyay in dhamaan lahaanshaha been abuurka ah ee  qaarka mida dadkii markii hore  kirada ugu jiray   xiligana samaystay ducomentiga been abuurka ah iyagoo mid ka mid ahi uu ku doodayo in laga iibiyay  halka qoyska iska leh gurayahan ay ku eedeeyeen maayarka iyo xubno maxkamaduhu in ay ku gacansiinyeen samaysiga waraaqahan sharci darada ah . Dhanka kale cadaalad darada lagula kacay muwadinkan reer jabuuti ayaa waxaa ka hadlay xildhibaano ka mida golaha wakiilada somaliland  halka ay dacwadeedana ka galeen looyaro caalamiya oo ka yimid dalka jabuuti iyo sidoo kale qoraal uu safiirka jabuuti ku socod siiyay wasaraada arimaha gudaha somailand kaasi oo ujeedadiisu ahayd sidii xukuumada Somaliland talaabo uga qadi lahayd cadaalad darada Lagula kacay muwaadinkan reer Jabuuti.

 Hadaba halkan kaga bogo sida loo minguuriyay sharciyada saxda ah ee ay lahaayeen guryahan dhibane Naasir oo ah guryo ay dhaxleen qoyskoogu mudo fog.

Guriga 1aad: Gurigan waxa loo samaystay ardiyad qaldan oo numberkeegu yahay j-al/b-47/593, halka guri numberka saxda ah ee Ardiyadu  yahay j-al/b-47/598.

Guriga. 2aad: gurigan waxa loo samaystay ardiyad qaldan oo been abuur ah oo khaldan   numberka j-al/b-47/597,

Guriga. 3 aad: gurigan waxa loo samaystay ardiyad qaldan oo been abuura numberkeeguna uu yahay  j-al/b-47/591 isagoo lambarka asalkiisu ahaa j-al/b-47/596

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here