Muuska Madowga Badan Lihi Waxa Uu Dawo Ka Noqon Karaa Cudurro Uu Kansarku Ka Mid Yahay

32
4443

 

Muusku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka ay dhakhaatiirtu ku taliyaan cunisteeda, maadaama oo sida ay sheegeen uu leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo dhammaan qaybaha jidhka aadamaha khuseeya. Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in muuska ay ku jiraan curiyeyaal cunto oo hodan ah, faytamiinno iyo bootaasiyaamka oo aad ugu badan.

Haddaba waxaa jira dabeecad dadka badankoodu ka siman yihiin oo ah in muuska oo diirkiisa madow badan lagu arko loo aqoonsado in uu xumaaday oo aan la cuni karin, laakiin daraasad dhowaan la sameeyey ayaa caddaysay taas lidkeeda.

Waxa ay daraasaddu sheegtay in dhibcaha iyo goobooyinka madowga ah ee muuska ku samaysmaa ay yihiin calaamad muujinaysa in uu bislaaday, mar kasta oo ay sii bataanna waxaa kordhaya xaddiga maadadda lagu magacaabo TNF ee ku jirta.

Magaca TNF waxaa laga soo qaatay xarfaha u horreeya magaca maadadda afka ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Tumor Necrosis Factor’ oo ah maaddo lagu yaqaanno in ay la dagaallanto cudurka kansarka iyo in ay jidhka ku samaysmaan unugyada aan dabiiciga ahayni.

Tijaabooyin kala duwan oo ay sameeyeen xeeldheereyaasha daraasaddan sameeyey. Waxa ay muujisay in cunista muuska madowga yeeshay oo ay ka dhalanayso in maadadda TNF jidhka ku badato, ay jidhka ka caawiso in uu iska difaaco unugyada kansarka, haddii uu kansar hore ugu jiray jidhkana waxa ay ka caawiyaan in uu xakameeyo tarankiisa iyo faafitaankiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here