Muuse Iyo Cirro Oo Isugu Soo Hadhay Tirinta Codadka Iyo Safiirada Beesha Caalamka Oo Shalay La Yeeshay Laba Kulan Oo Kala Duwan

18
2978

Hargeysa(Geeska)-Labada murashax madaxweyne ee xisbiyada KULMIYE iyo Waddani Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa u muuqda inay ku loolamayaan tirinta codadka ay shacabka Somaliland dhiibteen Isniintii toddobaadkan.

Tirinta codadka doorashada ayaa ka socota degmooyinka iyo gobalada dalka, ka dib markii ay laga soo qaaday goobihi cod bixinta ee ay shacabku ku codeeyeen, waxaana muuqata inay labadan Murashax isugu soo hadheen wareegan ah tirinta codadka.

Geesta kale safiirada beesha caalamka ee goob-jooga ka ahaa doorashadii madaxtooyada ee Isniintii qabsoontay ayaa laba kulan oo kala duwan la yeeshay labadan murashax.

KULMIYE

Sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray xisbiga KULMIYE, Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo ay wehelinayaan saraakiil xisbiga ka tirsan oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo xubno kale, ayaa kulankan oo ka qabsoomay Hutel Ambassador ee magaalada Hargeysa shalay waxa uu la qaatay xubno safiirro iyo diblomaasiyiin isugu jirta oo ka socota dalalka Norway , Sweden, Belgium, Switzerland, Netherland, UK,  Denmark, Finland iyo xafiiska Midowga Yurub, waxaanay dhinacyadu kulankooda diirrada ku saareen arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dhawridda ama sugidda natiijada doorashada madaxtinimada dalka ka qabsoontay, aqballaadda natiijada la wada filayo iyo sidii loo bogaadin lahaa hannaankii anshaxa iyo ixtiraamku ku gedaanaa ee ay bulshada reer Somaliland u gashay doorashadii shalay dalka ka qabsoontay.

Xubnaha safiirrada  iyo diblomaasiyiinta isugu jiraa waxay ku dheeraadeen qiimaha ay doorashadii dalka ka dhacday qaranka Somaliland u soo jiitay iyo sida ay kor ugu qaadday sumcaddii dalka, iyaga oo intaas ku daray in sugitaanka natiijada komishanka laga filayo iyo ku qancideeduba sii laban-laabi doonto karaamada shacabka iyo xukuumadda Somaliland.

Murrashax Muuse Biixi Cabdi waxa uu si xeel-dheer uga xog-warramay safiirrada iyo diblomaasiyiinta ka socday dalalka Midowga Yurub iyo dalal kale oo ku yaalla qaaradda Yurub inay murrashax ahaan ka go’antahay sii ambo-qaadista horumarka Somaliland ka jira iyo Dimuqraaddiyadda xawliga ku socota, isla markaana uu diyaar u yahay inuu ka dhursugo natiijada ku laalan dhinaca Komishanka qaranka, marka ay soo baxdana uu aqbali doono.

Diblomaasiyiinta iyo safiirrada, ayaa iyaguna dhinacooda si waafi ah murrashax uga mahadceliyey sida uu diyaarka ugu yahay inuu dhinaciisa ka dhawro deggenaanshiyaha wadajirka bulshada reer Somailand, siina ambo-qaado horumarka dhinaca dimuqraaddiyadda ah ee Somaliland tusaalaha tolmoon ugu tahay dalalka ku yaalla qaaradda Afrika iyo waddamo badan oo dunida kamid ah.

Waddani

Geesta kale sida lagu sheegay qoraal uu xisbiga Waddani soo saaray Kulankan ay safiirradu la yeesheen Murashax Cirro, ayaa ahaa mid khuseeyey arrimaha Doorashada iyo weliba sida oo kale caqabadahii kala duwanaa ee soo wajahay Xisbiga WADDANI si ay si dhab ah xog-oggaal ugu noqdaan qaabkii ay u dhacday Doorashadu iyaga oo sida oo kalena kala hadlay xidhiidhada diblomaasiyaddeed ee ay wada yeelan doonaan haddii uu ku guuleysto Doorashada Madaxtooyada Somaliland.

“Waxaanu hotelka Ambasador kula kulanay Wefti ka socda dawladdaha midawga Yurub iyo dalal kale oo ay ka mid yihiin Norway, Sweden, Biljim, iyo dad badan oo kale. Waa dawladdaha caawiya nidaamka dimuqraadiyadaynta iyo doorashooyinka, marka waanu uga warranay xaaladda talooyinna waanu kala qaadanay,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha kumeelgaadhka ah ee Waddani Cabdiqaadir Jirde oo saxaafadda uga warbixiyay kulanka.

Waxa uu intaasi raaciyay in ay uga warrameen tacadiyo loo gaystay xisbiga intii doorashadu socotay “Waxaanu u sheegnay in masuuliyiintii xisbiga qaar xidhxidhan yihiin qaarna dhaawacyo soo gaadheen sida: Faadumo Siciid oo kale, waxa intii aanu halkan fadhinay naloo soo sheegay in Xamse Khayre(Madaxii ololaha xisbiga) lagu xidhay Gabiley, Cabdirisaaq Kildhina dhaawac la gaadhsiiyay(Guddoomiyaha ololaha Waddani gobolka Maroodijeex). Waxaanu u sheegnay waxaas oo dhan iyo wixii sharci ah ee aanu ka cabanayno,” Sidaas ayuu yidhi Cabdiqaadir Jirde.

Waxa uu intaasi raaciyay dhacdooyin sharci darro ah oo dhacay intii codaynta iyo tirinteeda lagu jiray “Waxaynu ognahay in meelo badan ay ka dhaceen waxyaabo aan nidaamka waafaqsanayn oo xeerkii la bedelay oo lagu tuntay ama goobo ha ahaato ama markii sanaaduuqda la soo qaadayay oo Muraaqibiinta laga reebay ha ahaatee, in markii degmada ama gobolka la keenay dadkii noo joogay qaar laga soo saaray ama loo hanjabay sida Gabiley oo kale, meelo badana cabashooyin naga soo gaadhayaan, waxaanu ugu ballanqaadnay cabashooyinkaasi iyaga oo qoran in aanu la wadaagno halkii ay ku habboonaayeena aanu gaadhsiino oo aanu anagu sharciga uun la tiigsanno wixii xeerka jabiyay iyo sida ay wax u dhaceen sida ugu dhakhsaha badana aanu soo saari doono warsaxaafadeed aanu kaga cabanayno waayo waxa jira meelo badan oo muraaqibiintayada laga soo saaray oo la wada ogyahay,”Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

Guddoomiyaha Kumeelgaadhka ah ee Waddani waxa uu sheegay in ay jiraan meelo codka la tiriyay muraaqibiinta Waddani oo aan joogin, meelaha qaarna tirinta codadka ay ka qayb galeen badhasaabo culays ku ah muraaqibiinta Waddani. Waxa uu sheegay in goob Jaamacadda Hargeysa agteeda ah dad la soo diray galeen iyaga oo iska dhigaya Komishanka laakiin, goor dambe la ogaaday lana xidhay waxaanu sheegay in wixii sharci darro ah ay hay’addaha sharciga u gudbin doonan sidoo kalena siin doonan warbixin waafiya waddamada reer Galbeedka ee u kuur galaya doorashada.

Geesta kale waxa uu sheegay in Danjireyaasha reer Galbeedku ku boorriyeen in maalmahan doorashadu socoto ay is dejiyaan, islamarkaana xakameeyaan taageerayaashooda “Taageerayaashayada waxaanu leenahay meel wanaagsan bay maraysa, natiijo wanaagsan baa noo soo baxaya is dejiya aynu sugno natiijada. Waxaanu uga digayna dadkan isticmaala baraha bulshada oo imikaba dadka qaar qorayaan xisbigaasa helay iyo xisbigaasa helay iyo intaasa lagu kala helay in aanay waxaas fidin waa been ee wax soo baxay ma jiraan ee yaan dadka la sii guubaabin oo aan dadka la sii kicin, marka taasna waanu uga digayna kuwa xisbigayga taageera iyo kuwa asxaabta kale taageeraba waxaan leeyahay ka jooga midhkaas waa halise qofka sameeyana xeerka qabanaya,” Sidaas ayuu yidhi Cabdiqaadir Jirde.

Bulshada Somaliland ayaa isniintii si nabad ah u dhiibta codkooda waxaanay indhaha ku hayaan natiijada doorashada oo ku timaadda codkooda oo si hufan loo tiriyay cid walbana farta laga saaro codka ay heshay.

Gunaanad

Si kastaba ha ahaate, guddiga doorashooyinka ayaa siday sheegeen waxa la filayaa inay natiijada doorashada ku dhawaaqaan 16 November, 17 November ama 18 November, markaas oo ay shaacin doonaan murashaxa ku guulaystay codka shacabka Somaliland ay bixiyeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here