Muuse Biixi Oo Sheegay Inuu Rasmi U Jiro Heshiisyadii Uu KULMIYE La Galay Ururadii Siyaasadeed Ee Hadhay

0
588

Picture7Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga talada haya Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in shirgudoonka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye iyagana aan lala tartami doonin, oo ay la mid yahiin hoggaanka xisbiga ee la go’aamiyay in dib loo soo doorto.

Sida oo kale waxa uu guddoomiye Muuse Biixi ka hadlay heshiisyadii xisbiga Kulmiye uu la galay shan urur siyaasadeed iyo laba garab oo ka mid ah kuwii ku hadhay doorashooyinkii deegaanka. Waxaanu sidaas ka sheegay  kulan ay isugu yimaadeen xarunta xisbiga Kulmiye.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo arimahaas ka hadlaayay waxa uu yidhi“Waxa la yidhi siyaasada intii kale waa la raali galiyay ee laakiin saddexdii guddoomiye ee golaha dhexe iyaga halkoodii ayaa lagaga tagay, taasi waa been. Guddoomiyaha golaha dhexe iyo ku xigeenadiisa laguma doorto shirweynaha markaas mawduucoodu mid la hayay muu ahayn,wax gaar ah oo siyaasad ah oo looga jeedayna ma jirto, marka wakhtigooda la gaadhana waxay la mid yihiin sifahaas uu maray xisbigu ayaa la marayaa, shirgudoonka golaha dhexe waxa uu la mid yahay sidaas kuwa kaleba loo qadariyay.”

Waxaanu Muuse Biixi hadalkiisa ku soo gunaanaday “Kulmiye waxa uu la galay heshiis shan urur oo guddoomiyayaashoodi wata iyo laba  garab, labada garabna waa Umadda iyo Udub, halkan waxaan ka cadaynayaa  urur kasta heshiiskii aanu la galnay sidiisii ayuu u taagan yahay, ururadana taageerayaashooda iyo guddoomiyayashoodaba xishmad iyo qadarin ayaanu u haynaa, waanan u baahnayn, hadana waanu u baahanahay, waana kuwayagii wax Alle iyo wax iska badalay heshiiskaas in aanay jirin ayaan sheegaynaa, warkaas uu baahiyay jaraa’idkuna aanay waxba ka jirin.”