Muuse Biixi Oo Sheegay In Warbaahintu Gabtay Doorkii Ay Ku Lahayd In Dunida La Gaadhsiiyo Qadiyadda Somaliland

0
499

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi isla markaana ah Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga ayaa sheegay in Caalamku uu iska indho tiray horumarka iyo dimuqraadiyada ka hana qaaday Somaliland iyo tan iyo wakhtii ay Somaliland la soo noqotay xoriyadeeda, waxaanu tilmaamay in Somaliya oo aan wax kala dambayn ahi ka jirin inay daba wadaan Somaliland.

Muuse Biixi

Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo shalay ka qayb galay munaasibad ka dhacday  Balli-kaliil, oo arday Quraanka dhamaysay munaasibad loogu qabtay ayaa ugu horeyn yidhi “Inagoo maanta heerkaas marayna haddana waxa wax lala yaabo in Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo Maraykanka xoogga badan ee ciidankiisu yidhaahdo geed walba Satalayt (Satellite) baanu ku ilaalinaa ay arki la’yihiin ummaddan tashatay ee Somaliland iyo waxay qabsatay, iyagoo meel inagaga dhacaya ayey maalin walba yidhaahdaan waxa idin metelaaya nin suuq yar oo Xamar ah xukuma oo Somaliland ma ictiraafsanin.

Waxa sidoo kale la yaab leh in dhawaan aynu maqlaynay in caalamku Soomaaliya u dhisayo dawlad gacan-ku-rimis ah Soomaaliya oo waliba loo dhisayo laba aqal oo kuweena lagaga dayday oo Guurti iyo Baarlamaan ah oo aan la ina weydiisan xuquuqda wixii aynu hindisnay, markaasaa haddana la ina leeyahay oo Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo inta la shaqaysaa ay ina leeyihiin aqalka sare waxa laga soo wada qaayaa Soomaaliya oo dhan, haddii Somaliland diidana annagaa meelahaas qaar ka soo ururinayna.”

Muuse Biixi mar uu ka hadlaayey Warbaahinta Somaliland iyo doorka ay ku leeyihiin horumarka dalka ayaa yidhi "Halka la inooga soo dhacayna waxa weeye inaynu codkeena dhegaha dadkaas gaadhsiino ayeynu ka gaabinay oo Tv-geena iyo jaraa’idkeena oo caalamka gaadha ayaan laga maqlin innagoo adduunka la murmayna oo xuquuqdeenii raadsanaysa oo waxa laga maqlaa uun ‘annoo reer Hebel ah wallaahi inaanaan taas yeelaynin,’ waxaana la inoo arkaa duul iyagu is cunaya oo aan u qalmin waxa ay doonayaan, sababtuna waxa weeye waxa iskaga keen qaldamay faa’iidadii warbaahinta iyo khasaarihii ay lahayd,”