Muuse Biixi Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtooyada Somaliland Iyo Dareenkiisa Xilka La Saaray

44
3251

Hargeysa(Geeska)-Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, murashixii madaxweyne ee xisbiga KULMIYE ayaa ku guulaystay doorashadii madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ee qabsoontay 13 November. Sidaas waxa ku dhawaaqay guddiga doorashooyinka qaranka oo shalay baahiyay natiijada hordhaca ah ee doorashadaas.

Muuse Biixi Cabdi ayaa sida ay guddiga doorashadu sheegeen wuxuu helay 55.19% codadkii la dhiibtay, taas oo u dhiganta 305.909 cod. Muuse Biixi, madaxweynaha la doortay ee Somaliland wuxuu doorashada kaga guulaystay labada murashax ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo u ordayay xisbiga Waddani oo helay 40.73% oo u dhiganta 226,092 iyo Faysal Cali Waraabe oo helay 4.17% oo u dhiganta 23,141.
Natiijada doorashada ayaa qaadatay muddo toddobo maalmood ah waxaana soo baxayay qaar ka mid ah musharrixiinta oo dhaliilaya qaabka ay doorashada u dhacday. Haseyeeshee guddiga doorashada waxa uu beeniyay in ku shubasho ay jirtay.
Murashaxa xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe ayaa bogaadiyay madaxweynaha la doortay. Murashaxii xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-cirro ayaa isna geestiisa sheegay, inkastoo doorashadaas la boobay haddana inuu danta qaranka Somaliland darteed u aqbalay natiijadaas una tanaasulay.
Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dhashay Hargeysa sannadkii 1948. Wuxuu waxbarashadiisii Quraanka, dugsiga hoose iyo dhexeba uu ku qaatay magaalada Hargeysa. Dugsiga sare ee Cammuud ee Borama ayuu ka qalin jebiyay sandkii 1970-kii, Ka dibna wuxuu ku biiray ciidamada cirka ee Soomaaliya.
Muuse, wuxuu noqday 1993dii wasiirkii Arrimaha gudaha Somaliland ee dawladdii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, wuxuuna wasaaraddaasi hayay muddo. Muuse Biixi wuxuu ka mid noqday gudigii fulinta, markii la aasaasay Xisbiga Kulmiye bishii may 2002-dii, isagoo gudoomiye kuxigeenka kowaad loo doortay 2008, waxaa gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye loo doortay 10 nofembar 2015-kii, ka dib shirweynihii xisbiga, waxaana loo xushay in uu noqdo musharraxa xisbiga.
Muuse Biixi oo ah nin furfuran oo aqoon u leh dhaqanka iyo dadka Somaliland, wuxuu ku hadlaa luqdaha English, Carabi, iyo Ruush. Wuxuu Jaamacadda Hargeysa ka dhammeeyay shahaadada sare ee cilmiga xallinta khilaafaadka, 2008 ilaa 2010.
Dareenka Muuse Biixi
Geesta kale Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha cusub ee la doortay oo waraysigii ugu horeeyay siiyay weriyaha Hargeysa ee laanta afka Soomaaliga ee BBC Axmed Siciid Cige, waxa uu yidhi isaga oo dareenkiisa ku bilaabay “Dareenkaygu waa uu wanaagsan yahay culays badana waan dareemayaa. waa umada iyo dalkaas dhan xilkiisii oo lay dhiibay oo aad xaaladiisana ogtahay, dalka oo ah mid aan la ictiraafsanayn oo dalalka adduunka ugu dhaqaalaha yar ah oo u baahan hawlbadan iyo shaqo badan xil badan ayaan dareemayaa.”
Madaxweynaha cusub oo ka hadlaaya qorshihiisa midaynta shacbiga Somaliland ee doorashada madaxtooyada ka soo baxay waxa uu yidhi “qorshaha koowaad waxa weeye Somaliland waa mid kii ii codeeyay, kii iga codeeyay iyo kii ka aamusayba maanta waa Somaliland oo waa ay ii siman yihiin, madaxweynaana dalka oo dhan ayuu xil ka saaran yahay, muwaadin kastaaba xaq dastuuri ah ayuu leeyahay maanta aniga odaygii Somaliland ayaa layga dhigay, waa lay karaameeyay waxaan leeyahay umadda Somaliland sinaan iyo cadaalad in waxii hawl ah lagu qabto, waxii tartan na soo dhex maray iyo xanaftiina la ilaawo ninkii wax tirsanaayana si walaaltinimo leh iyo gacan walaaltinimo leh ayaan u fidinayaa in la wada hadlo waxii uu gar leeyahay loo qaado, waxii kalena si wanaagsan looga wada hadlo, Somaliland waxay ku soo caano maashay isku tanaasul, walaaltinimo iyo is afgarad, alle idinkii waxaan rajaynayaa inay sidaas inoogu dhamaato, xisbiyada iyo madaxdoodaba waan hanbalyaynayaa, Cabdiraxmaan iyo Faysal iyo kuxigeenadoodaba tartan wanaagsan oo tudhaale leh oo Somaliland ah ayay soo galeen, tartankii haddii uu dhamaadayna walaaltinimadii iyo dalka inaan wada dhisano iyo qadarin,odaytinimo iyo ixtiraam ayaan u hayaa,waxaan leeyahay Somaliland waxay wada leedahay ee ka dhaxeeya ayaa ka badan waxay isku khilaafsan tahay,hawshaas ayaan galayaa oo kow ii ah.”
madaxweynaha la doortay oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”qof waliba waxa uu tirsanaayo waxa ka weyn Somaliland xisbiga Waddani madaxdiisa iyo guddoomiye Cabdiraxmaan iyo kuxigeenkiisu waxay u tartamayeen inay Somaliland horumariyaan tii uunbaan ula tagayaa insha allaahu waanu ka wada shaqaynaynaa, waanuna isku afgaran doonaa.”
Ugu danbtayntii madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo fariin u diraayay shacbiga,dalalka dariska ah iyo dalalka caalamkaba waxa uu yidhi “Shacbiga Somaliland waxaan u dirayaa in aanu qof guulaysan, xisbi gaar ahina ma guulaysan dhamaan Somaliland ayaa guulaysatay waa talaabo horumar ah oo ay Somaliland qaaday, dhamaan shacbiga waan u mahad naqayaa xisbiyada Somaliland-na waan u mahadnaqayaa xisbiga Kulmiye oo ah xisbigii aniga isoo sharaxay ee ila soo dagaal galayna si gaar ah ayaan ugu sii mahad naqayaa, bulshada Somaliland waxaan leeyahay waxa inoo taala inaan midawno, wax alle iyo waxii gardaro iyo qadaf tirsanaayana diyaar ayaan u ahay waanan la fadhiisanayaa oo waanu dhamaysan doonaa waa laysu garaabi waxii dhibaato ah ee jira cadaw badan ayaynu leenahay ee aynu ka midawno oo talaabada horumar aynu qaadno ayaan leeyahay, caalamkana waxaan leeyahay waxaanu nahay dal dimiqraadi ah oo nabdoon oo horumar wada oo xaaladan uu ku jira imika u baahan laba xal aqoonsigiisa iyo in laga taageero dhaqaalaha, nabad ayaanu ugu baaqaynaa dawladaha oo dhan jaarkana walaaltinimo gacan jaar wanaag ah nabad iyo kuwa jaarka ah iyo kuwa kaleba.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here