Muuse Biixi Oo Buuxiyay Jagooyin Ka Banaanaaday Hoggaanka Iyo Guddiga Fulinta Ee Xisbgia KULMIYE

0
589

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa buuxiyay xilal ka banaanaaday hoggaanka xisbiga iyo guddiga fulinta ee xisbiga.

smaliland

Toddoba xubnood oo uu Muuse Biixi buuxiyay, ayaa warsaxafadeed uu soo saaray wuxuu ku yidhi “Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE kadib markuu arkay xilalka bannaannaaday ee guddoomiye-ku-xigeennimo iyo Guddida Fulinta ee lagu ansixiyey Shirweynihii 3-aad ee xisbiga.

Kadib markii uu la tashiyo la sameeyey xubnaha Hoggaanka Xisbiga iyo cidda kale ee ay khusayso.

Kadib markuu arkay muhiimada buuxinta xilalkaa bannaani u leeyihiin waqti xaadirkan habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, si aannu xawligoodu isu dhimin, waxa uu go’aamiyey:

In Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka labaad (2-aad) ee xisbiga KULMIYE.

In Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi) – ahna sidoo kale Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE, laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.

 In Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan) – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.

In Xildh. Axmed Xasan Aadan (Axmed Waysacadde) – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.

In Yuusuf Cismaan Faarah – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.

In Aniisa Nuur Cigaal – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, ay ahaato xubin Guddida Fulinta ah.

In Maxamuud Axmed Ibraahim (Sandheere) – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.

Dhammaan masuuliyiinta xilalka kor ku xusan loo magacaabay waxa lagu ansixin doonaa shirka Golaha Dhexe ee ugu horeeya. Xil gudasho wacan.