Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin Oo Xubno Wasiiro Ah Ku Eedeeyay Khilaafka Xisbiga Iyo Inay Madaxweyne Siilaanyo U Bahalo Gelinayaan Hoggaanka Xisbiga

0
591

Picture10Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye  ku xigeenka Xisbiga Maxamed Kaahin Axmed, ayaa khilaafka u dhexeeya Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda ku eedayey Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Somaliland, iyaga oo sheegay in Wasiiradaasi ay wadaan sidii ay iskugu diri lahayeen Hogaanka Xisbiga iyo Madaxweynaha, waxayna hadalkan sheegeen mar ay Shalay Shir jara’iid ku qabteen Xaruntooda, kaas oo ay ku deedefeeyeen liiska golaha dhexe iyo guddiga fulinta ee ay guddigii shirguddoonka shirweynihii KULMIYE soo saareen, khamiistii.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo isagu ugu horeyn Shirkaas Jara’iid ka hadlay ayaa sheegay in aanay jirin wax khilaaf ah oo ka dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha, waxaanu xusay inuu Madaxweynaha u hayo ixtiraam, waxaanu yidhi  “Madaxweynaha waxa talo ah oo aan iskugu nimid oo aanu isku diidnay, ma jirto, ixtiraamna waan u haya, mana qabo in xumaani Xisbiga xagiisa kaga imanayso, mana aha eray Siyaasiya, laakiin waxa jira Rag badan oo Golaha Wasiirada ku jira oo Afartaas sanaba Xisbiga iyo Xukuumadda ka dhex wada khilaaf.”

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye  Maxamed Kaahin Axmed, oo isna halkaas ka hadlay ayaa khilaafka soo jiitamay ee Xisbiga dhexdiisa ku eedayey inay sabab u yihiin qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, oo uu sheegay inay mar walaba isku diraan Madaxweynaha iyo Hoggaanka Xisbiga, waxaanu yidhi  

“Khilaafaadka jira ee muddada soo jiitamaayey,waxa uu ka imaanayey, Xubno Dawladda ku jira oo Wasiiro ah, Madaxweynuhu waa Odeygii Xisbi, waa Madaxweynihii Xisbigan laga soo doortay, waa Odeygii aasaasay, waxaana u maleeynaya khilaaf Muuse Biixi ka dhex jira garan maayo, mid aniga naga dhex jirana garan maayo, Xubnaha hogaanka Xisbiga ka dhex jirana garan maayo, balse Xubno Wasiiro ah, ayaa waxa ay tilmaamayaan in Xisbiga cadaw weeraraya Madaxweynaha dalka uu ugu jiro, yay madaxweynaha saaxiib uga dhigayaan ayaa taala marka ay cadawga uga soo qaadayaan Guddoomiyaha, Guddoomiye ku xigeenka, Xoghayaha Guud, Guddoomiyaha Golaha Dhexe iyo Guddida fulinta, yaa madaxweynaha saaxiib looga dhigayaa. Waxaan markaas leeyahay dhibaato ma jirto xisbiganina sharci ayuu ku socdaa, xisbigani sharci ayuu ku kala socdaa, arrintaas hadhowto xisbi ahaan ayaanu xalinteeda u galaynaa.”

Labada masuul, waxa ay ku dhawaaqeen inaanu xisbigu aqbali doonin liiska ay shaaciyeen guddigii hagaysay shirweynihii xisbiga KULMIYE, waxaanay sheegeen in awoodii guddigaasi ay ku eekayd labadii maalmood ee uu shirweynuhu socday, waxaanay cadeeyeen inaanay sinaba u aqbali doonin liiskaas ay guddigu baahiyeen.