Muuse Biixi Iyo Cabdiqaadir Jirde Oo Ka Hadlay Weerarkii Guriga Murashax Cirro

0
1001

Hargeysa(Geeska)-Labada xisbi ee KULMIYE iyo Waddani ayaa ka hadlay falkii habeen hore lagu weeraray guriga murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan-cirro.

Falkan ayaa u muuqda inuu jawaab isku nooc ah oo cambaarayn ah ay bulshadu ku qaabishay, maadaama oo uu noqday fal laga naxay oo ku cusub wadanka.

Cabdiqaadir Jirde

Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Jirde, ayaa isna yidhi ” Waxa ay umada oo dhan u dhegtaagaysaa dhacdadii ka dhacday guriga guddoomiyaha, nasiib wanaag guddoomiyuhu muu joogin hawl iyo shirar ayuu ku jiray sida aanu xogsanay booliskuna noo xaqiijiyay niman dhalinyaro ah oo abaabulan ayaa damcay inay xoog ku galaan gurigii guddoomiyaha booliskii guriga ilaalinaayay ayaa ka horyimid oo dibada ugu soo baxay qaar ayaa dhaawacan booliskii oo nabaro ku yaalaan, taliyaha boolisku waa uu nala soo xidhiidhay oo noo sheegay in ay qaar qabteen dadkii falkaas gaystay, taageerayaashayada waxaanu u sheegaynaa meel kasta oo ay joogaanba inay is dajiyaan, wax guddoomiyaha qoyskiisii iyo madaxdii kale ee meesha joogtay soo gaadhayna ma jiro khasaaruhu mid fudud ayuu ahaa, laakiin isku day ah in xoog guriga lagu galo oo musharaxa iyo waxii meesha joogaba la waxyeeleeyo may dhicin booliskuna waxa ay noo sheegeen inay ka dabatagayaan oo ay raadinayaan qaarna ay hayaan, xogona waanu helnay, dadkii loo aanaynaayay waalidiintoodii ayaa noo yimi oo naga raali galiyay, waanu ka aqbalnay raaligalintaas ka hordhici mayno laakiin arintaas mid abaabulan ayaanu u aragnaa, cidaanu ku tuhmaynaana waxa weeyaan ciddii aanu tartamaynay. Waxaanu taageerayaashayada u sheegaynaa falalka caynkan oo kale ah oo isa soo taraaya wax alle iyo waxii xisbigu tirsanaayo in dariiqa sharciga ah aan u marayno, haayadaha amniga,komishanka,dadka arimahan daba socda iyo doorashada cidii danaynaysa.”

Muuse Biixi

Murashaxa xisbiga KULMIYE, oo khudbad ka jeediyay magaalada Borama, ayaa isaguna cambaareeyay weerarka guriga Cirro, waxaanu yidhi “Dhallinyaradii Hargeysa waxay sameeyeen ceeb aanu ku cambaaraynayno oo aanaan ka aqbalayn, murashaxa Waddani gurigiisa ayay shiideen, waa badawnimo, waan diidanahay waanan ka soo horjeednaa aqbalina  mayno, inanka calamadda kulmiye ah sitana nabad baan ku ogahay.” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi, oo intaas raaciyay “Xalay aad bay isu shiideen, dhinaca bariga Hargeysana xafiisyadii kulmiye  ayay shiideen waxaasina waa ceeb iyo badawnimo, dimuqraadiyuna sidaas maaha.”

Aragtida guud ee shacabka

Aragtida guud ee rayul caamka ayaa u muuqata inay si adag uga soo horjeedsatay weerarka ay dhallinyaro abaabulani habeen hore ku qaaday guriga murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani, waxaana shalay suuqyada caasimadda Hargeysa laga dareemayay sida ay shacabku uga xumaadeen falkaas oo aan weligii hore dalka uga dhicin islamarkaana ah fal lagu waxyeelayn karo nabadgelyada guud ee umadda Somaliland ku taamayso.