Mustaqbalka Tabobare Antonio Conte Ee Chelsea Oo Mugdi Galay

Published on Aug 17 2017 // Ciyaaro

 

Xaalada mustaqbalka Antonio Conte ee kooxdiisa Chelsea ayuu shaki cusubi sii galaya kadib markii ay Blues xili ciyaareedkan ay qaab ciyaareed xun ku bilaabtay isla markaana ay guuldaro ka soo gaadhay kooxda Burnley wuxuuna Conte si xun uga cadhaysan yahay in ayna maamulka kooxdiisu Stamford Bridge u keenin bartilmaameedyadii uu suuqa xagaaga ka doonayay.

Xogo dheeraada oo Chelsea laga helay ayaa muujiiyay sida uu Antonio Conte uga dhaqaaqi karo shaqadiisa Stamford Bridge inkasta oo uu dhawaan saxeexay heshiis cusub oo laba sano ah. Waxay ilwareedu sheegayaan in Antonio Conte uu ka cadhaysan yahay shaqaalaha kooxdiisa iyo waliba ciyaartoyda uu Blues ku haysto isla markaana uu doonayo in si deg deg ah saxeexyo loogu sameeyo.

Antonio Conte ayaa bishii hore qalinka ku duugay qandaraas cusub oo laba sano ah inkasta oo aan muddadii uu markii hore joogayay waxba lagu kordhin haddana waxa uu saxeexay qandaraas cusub oo mushaarkiisa sare loogu qaaday isaga oo labada sano ku qaadan doona £19.2 milyan gini.

Qoraalo iyo xogo dheeraada oo aan kasoo xiganay Yahoo Sport ayaa u sheegaya: “Tani waa nooca xaalada aanu Antonio la tacaali karin. Marka uu bilaabo in uu kulamo guuldaro, xaqiiqdii waa marka uu waasho. Waa wax aan macquul ahayn in la qiimeeyo waxa isaga dajinaya”.Si kastaba ha ahaatee culayska maamul iyo khilaafka ciyaartooyadiisa ayaa sii siyaadaya macalinka reer Talyaani, waxaanu dalbanayey markasta in la keeno ciyaartooyo cusub.

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!