“Musharixiinta Waxaan Leeyahay Mar Walba Wanaaga Ka Taliya”

0
909

Suldaan Aadan

Hargeysa (Geeska)-Suldaan Aadan Faarax Cumar, oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland, ayaa ku taliyey in madaama lagu jiro wakhti kala guur ah, oo Doorashadii Madaxtooyada dhawaan la qabanayo in la ilaaliyo hantida umadda, oo xil gaar ah la iska saaro.

Suldaan Aadan Faarax Cumar, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq u diray Musharixiinta ku tartamaya Xilka Madaxweyne, waxaanu ugu baaqay inay ka dheeraadan wax kasta oo nabadgalyada wax yeeli kara, waxaanu ugu horeyn yidhi “Dalkani halkan wuxuu ku soo gaadhay isku tanaasul, is maqal, wada tashi iyo nabadgalyo, ILLAAHAY cida uu abuuray waxa ugu wanaagsanaa Nabigeena SCW,oo waxa lagu yidhi dadka la tasho, oo asaxaabtaada la tasho, sidaas darteed ha la ilaaliyo xasiloonida iyo nabadgalyada iyo halgankii ay dadka reer Somaliland soo galeen, Xisbinimo may jirteen, Dawladnimana may jirteen, haddii dadku aanu u soo halgamin dalkooda, qof ay Somaliland jeebada ugu jirtaa ma jirto, ee umadda ayey Somaliland-nimadu ka dhexeeysa, oo waataas loo tartamayo, ee inagu Madaxweynihii soo baxaba wey hambalyeynaynaa, haddii aan anagu Madax-dhaqameedka nahayna, waa anagii hore iskugu keenay axsaabta, dalkana lexe-jeclo badan baa naga haysa, ee ha la joojiyo wax kasta oo dhibaato keenaya, oo dadka iska hor keenaya, qof kasta oo dadka wax ka doonayaana waa inuu si wanaagsan wax uga doonaa, hantida ay umaddu leedahayna Nabadgalyaa ayaa ka kow ah , Xisbi kasta waxa laga doonayaa in wixii lagu dooranayo uu soo bandhigo, Dhalinyarada dalka ee mustaqbalka leh wuxuu ku hogaamin doono, iyo wuxuu u tari doono, inuu soo bandhigo ayaa looga baahan yahay”.

Suldaan Aadan mar uu talo u soo jeedinayey Musharixiinta ku tatamaya Xilka Madaxweyne ayaa yidhi “Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee dalku wuu ka tagay,Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa Madaxweynihii labaad isna wuu ka tagay, labadaba ALLE ha u naxariiste, Daahir Rayaale Kaahin oo ka dambeeyey, isna wuu ka tagay, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyana), waa kan isna iska dhiibaya, ee Musharixiinta waxaan leeyahay mar walba wanaaga ka taliya”.

Suldaan Aadan mar uu ka hadlaayey hantida qaranka iyo wakhtigan kala guurka ah ayaa yidhi “Wakhti adag baynu ku jirnaa, wakhtiyada kala guurkana wax walba wey iska dhacaan, ee hantida umadda ha la ilaaliyo, in hantideena aynu ilaashano, oo aynu dalkeena u feejignaano ayaa wanaagsan”.