Musharaxa Ciro Oo Khudbad Ku Iftiimiyey Qorshaha Xukuumada Waddani Ku Jihaynayso Dhalinyarta

0
962

Hargeysa, (Geeska) – Murashaxa Madaxweyne ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo maanta khudbad dhinacyo badan ka taabanaysa awooda dhallinyarada iyo muhiimada ay leedahay in fursado loo abuuro si loo jiheeyo ayaa u jeediyey dhalinyaro tiro badan oo xisbigaasi u muujinayey taageerada ay u hayaan

Murashax Cabdiraxmaan Ciro waxa uu sheegay in xisbiga Waddani uu aaminsan yahay in khayraadka ugu badan ee dal kastaa uu leeyahay ay tahay dadkiisa gaar ahaana dhalinyarada, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in dhalinyaradaasi loo abuuro fursado lagana qaybgaliyo talada dalka.

Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo dhalinyaradaasi ka kala socda degmooyinka caasimada Hargeysi ka kooban tahay u jeediyey khudbadan ayaa waxa uu ku bilaabay oo uu yidhi “Salaan qiimo badan ayaan u dirayaa dhalinyarada Jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaana inta halkan ku sugan oo ah taageerayaasha isbadalka.

Walaalayaal waxa xaqiiqo ah xisbiga Waddani inuu si weyn u aaminsan yahay in khayraadka ugu badan ee dal kastaa leeyahay ay tahay dadkiisa gaar ahaan dhalinyarada oo Somaliland lagu qiyaaso in boqolkiiba todobaatan in ka badan ay yihiin dhalinyaro.

Dhalinyaradaasi waa xoog iyo maskax cusub oo dalkan dhisi kara lana jaanqaadi kara dhigooda caalamka waase hadii fursad la siiyo, hadii aanay taasi dhicin xoogaga dhalintu waxay noqonayaan laba midkood, inuu noqdo xoog khasaaray oo badaha ku dhamaada amaba balwad ku naanaaba iyo inuu noqdo quwad sharka u adeegta oo wax burburisa tusaalaheedu waakaas hareeraheena ka dhacaya maalin kasta, waa awood dhalinyaro oo la marin habaabiyey oo lagu shidayo halaaga tusaale ahaan Somalia ee dhacdadii sabtidii ee foosha xumayd ay tahay raadkii ugu dambeeyey waxaan tacsi u dirayaa dadkii halkaasi ku halaagmay Illaahay ha u naxariisto, ehelkii iyo dhamaan muslimiinta iyo Soomaalidaba Illaahay samir iyo iimaan haka siiyo.

Anigoo aad uga xun wixii meeshaasi ka dhacay waxaan cida ka dambaysa ku cambaaraynayaa erayo culus, waxaan leeyahay waxaasi dhaqan Islaam iyo dhaqan Soomaali midna maaha intii ku dhimatay Illaahay ha u naxariisto kuwii ku dhaawacmayna illaahay caafimaad ha siiyo.

Maamulada meeshaas ka jira waxaan ugu baaqayaa inay fadhiga ka kacaan oo nasiibdarada joogtada ah wax ka qabtaan khilaafkoodana gees iskaga dhigtaan.

Walaalayaal si taasi hadaba dhalinteena Somaliland aanay ugu dhicin labadaa nasiibdaro midkoodna oo aanay u noqonin xoog khasaaray ama xoog khasaare geysta, waxaanu xisbi ahaan abuurnay qorshe ku saabsan jihaynta dhalinyarada Somaliland, waa qorshe balaadhan oo koobsanaya horumarin dhaqaale mid tacliineed iyo mid siyaasadeed, intaba waxaan doonayaa in dhalintu qorshahaasi isgaadhsiiso hirgalintiisana nagula tacabto oo nala joogtayso, qorshahani maaha mid ulajeedkiisu yahay in cod lagu helo oo kaliya sidii kii waagii Kulmiye, mana aha geeed kaga kac iyo gaawe madhan ku furayn.

Xuquumadayda xisbiga Waddani ee 13-ka November waxay ku talaabsan doontaa qorsheyaashan;-

Dhinaca Siyaasada.

Xukuumada Waddani waxay ku dhawaaqi doontaa dib u eegsita da’da ka qaybgalaysa doorashada golaha Wakiilada ee Goluhu xadeeyey in dhalinyaradu si mug leh uga muuqato xukuumada xisbiga Waddani hadii ay noqoto dawlada dhexe, mid gobol, iyo heer degmoba.

Dhinaca dhaqaalaha.

Mashaariicdii koobnayd ee Bangiga Aduunku bixiyey waxa lagu ogaaday in dalkeena ay yuururaan fikrado iyo qorshayaal wax soo saarka ah laakiinse ay la’yihiin tiraatdii iyo xukuumadii faafin lahayd ee wax ka qaban lahayd.

Sidaa darteed Xukuumada Waddani iyadoo la kaashanaysa shirkadaha gaarka ah ee gudaha iyo caalamkaba waxaanu samayn doonaa maalgalin carwo sanadle ah oo loo samaynayo tartanka mashaariicda hal-abuurka dhaqaalaha ee dhalinyarada. Carwadaasi waxay maalgalinaysaa mashaariicda muhiimada dhaqaale u leh dhalinyarada ku guulasata tartanka.

Walaalayaal xukuumada Waddani waxay dhiirigalinaysaa mashaariicda ganacsi ee la xidhiidha ICT-ga, hal-abuurka iyo hirgalinta mashaariicda ku saabsan wax soo saarka gudaha. Walaalayaal geesta kale xukuumada Waddani waxay abuuraysaa iskaashatada Dhalin-kaab taas oo shaqadeeda iyo fikradeeda wadanka ay ku cusubtahay, Iskaashatada Dhalin-kaab waxaanu u samayn doonaa sanduuqa Iskaashatada Maaliyadeed oo ay ka faa’iidaysan doonaan dhalinyarada xubnaha ka ah taas oo Madaxweyne ahaan xubin aan ka noqon doono Insha Allaahu doorashada ka dib.

Dhinaca Shaqaalaynta.

Dhalinyarada waxa loo qoondayn doonaa ugu yaraan 40 shaqooyinka dawlada ka soo baxa iyo kuwa mashaariicda deeqbixiyeyaasha labadaba. Shaqooyinka muwaadiniintu qaban karayso shaqaale ajnabi ah dibada looga keeni maayo, ma jiri doono shaqaale dibada laga soo qorto oo qabta shaqooyin dhalinyarada Somaliland qaban karayso. Waxaanu dejinaynaa xeerar ku haboon arintaasi anaga oo tusaale ka soo qaadan doona dalalka aynu deriska nahay.

Walaalayaal waxanau qorshaynaynaa in ku isku darka shaqooyinka ka dhalan doona fursadaha ganacsi ee shakhsiyaadka loo abuuro iyo kuwa shirkadaha isku darkeedu keenu doono ugu yaraan 15,000 fursadood oo shaqo.

Dhinaca Waxbarashada

Xukuumadaydu waxay soo celinaysaa deeqihii waxbarasho ee dunidu ina siin jirtay taas oo si cadaalad ah loogu qaybin doono Ardayda ugu saraysa dalka, Waxay Xukuumadu siin doontaa deeqo waxbarasho boqolka arday ee ugu sareeya sanad kasta.

Walaalayaal xukuumadaydu sanadka 2aad iyo sanadka 3aad waxay gaadhsiin doontaa deeqaha waxbarashada gudaha ilaa 200 Arday sanad kasta, iyadoo guud ahaan dhamaan ardayda jaamacadaha dhigta laga bixin doono boqolkiiba 15 kharashka laga qaado ee fee-ga.” Ayuu yidhi Murashaxa Xisbiga Waddani, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).