Musharax ku xigeenka xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Dadka Lagu Soo Celinyo Deegaanada Lughaya Iyo Saylac

0
534

Picture2Hargeysa(Geeska)-Musharax ku xigeenka xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa ka hadlay dadka lagu soo celinaayo deegaanda Lughaya iyo Saylac ee dhawaanahan cabashooyinku ka taagnaayeen.

Waxa uu Cabdirasiid Xasan Mataan sheegay in ay deegaanadaas dadkaasu u yihiin waxtar isla markaasna ay camirayaan magaalooyinka, waxaanu xukuumadda ku eedeeyay inay fidno ka wado gobalada galbeedka iyo bariga Somaliland,

Waxa uu sidan ku sheegay Musharax ku xigeenka xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan boga uu ku leeyahay barta Facebook, waxaanu qoraal uu halkaas soo dhigay isaga oo dhamays tiran u dhignaa sidan

“Waa ayaan darro in masuul sare oo ka mid ah Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelku uu qayb ka noqdo barnaamijyada xaalad abuurka ah ee ay xukuumaddu ka dhaqdhaqaajinayso bari iyo galbeedba.
Ma qabo in Muwaaddin udhashay Somaliland, uu cidna fasax uga qaadnayo deegaankiisa iyo meelkasta oo uu ka rabo in uu ka dego Somaliland.
Waxaan wada ognahay in Somaliland ay Soddonkii sano ee u dambeeyeyba ku jirtay barakac iyo qoxooti gudaha dalka iyo dibbaddiisaba, nasiib wanaagna aynu dib uga soo kabanayno dhibaatooyinkaa, maantana ay inoo cammiran yihiin magaalooyin badan, waana wax lagu farxo lana dhiirri geliyo. Islamarkaana waan soo dhowaynayaa muwaadin kasta oo tacmiirta magalooyinka Somaliland qayb kaqaadanaya, markhaatina uma baahna in loo furo, umana baahna in ay Dawladi dabada ka waddo ama hor oroddo.
Barnaamijyada aanu ku rabno codka shacabkuna waa kuwo ku qotoma, dhowrista wada noolaanshaha, kobcinta xuquuqda shakhsiga iyo abuurista Qaran lawada ilaashashado. Si loo helo taa waa lagama maarmaan in laga dhowrsado wax kasta oo wax-udhimaya haddii ay tahay hadal ama ficilba.”