Musharax Cabdiqadir Oo Madal Ku Iclaamiyay Murashaxnimadiisa Doorashada Golaha Wakiilada

0
606

Hargeysa(Geeska)-Beesha Cabdale Sacad, Sacad Muuse, ayaa  shalay Soo bandhigtay, Taageerada, ay u hayso, Musharaxa Xisibi Xaakimka kulmiye, Mudane Muuse, Biixi, Cabdi, iyo Cabdiraxmaan Saylci, Isla markaana Waxay Beeshu kusoo bandhigtay, Mushraxa uga Qaybgali Doona Doorashada, Baarlamaanka Somaliland.

Xafladan oo lagu Qabtay, Hotel Maansoor, ee Magaalada Hargaysa, ayaa Waxaa ka soo qaybgalay, Boqolaal Qof oo ka mid ah Taageerayaasha, Beesha Cabdale sacad ee Xisbiga kulmiye. Sidoo kale Waxaa Madasha, ka soo qaybgalay, Odoyaasha, Cuqaasha, Aqoonyahanka, Siyaasiinta, iyo Gudida Sarre ee Beesha, Ugaaska Guud ee Cabdale, Sacad Ugaas, Abdilaahi Xasan Xawaareeye. Madashan oo ay Kasoo qaybgaleen, Taageerayaal, aad utiro badani, Waxaa kale oo goob joog ka haaa isla markaana Beesha ka gudoomay, Xubno Sarsare oo ka mid ahaa Golaha Dhexe ee kulmiye, iyo Gudoomiye Xigeenka Kowaad ee gobolka Maroodi Jeex. Sidoo kale Waxaa Madasha, Goob joog ka ahaa Dhinaca Dawlada, Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Mudane, Maxamed Muuse, Diiriye, oo Beesha, ku booriyey, inay iska shadaan isla markaana ay isku duubnaadaan, codkoodana meel isugu geeyaan. Waxaa kale oo Mudane Maxamed Muuse, diiriye, ku ugu baaqay, inay ku dedaalaan, isla markaana ay xooga saaraan sidii ay u qaadan lahaayeen, Kaadhka, Codaynta, oo dhawaan la bixin Doono. Ugu Danbayntii Waxaa halkaa ka hadlay, Musharaxa Beeshu soo bandhigtay, Musharax Cabdiqadir Muuse Cige, oo Sheegay, inuu ku dedaali doono, sidii uu wax ugu qaban lahaa dadka iyo dalka isla markaana si daacad ah wax ugu Shaqayn lahaa. Waxaa kale Madashaas goobjoog ka ahaa Cuqaasha Reer iyaga oo Afkooda uu ku hadlay Caaqil Maxamed Jamac Hadhiye sheegayna in beeshu isku raacsantahay musharaxa..