Mushahar Kordhinta Sannadka Cusub Ee Shaqaalaha & Ciidamada

40
3541

W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Madaxweynaha la doortay mudane Muuse Biixi Cabdi waxa ka go’an in uu si weyn wax uga qabto dhinacyada dhaqaalaha, maamulka iyo in uu la dagaallamo Musuqmaasuqa iyo ku tagri falka hantida umadda.

Haddii si kale loo dhigo, wuxuu doonaya in uu dalka ku hoggaamiyo ama u jeexo jiho cusub. Wuxuu ku talo jira in uu wax ka bedelo nolosha dadweynaha ee la daala dhacaya sixir bararka iyo in la yareeyo heerka faqriga.

Madaxweynuhu kama war la’a shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta oo ka mid ah caqabadaha xukumadda horyaalla ee xalka u baahan. Isku soo wada ururi oo yoolkiisu wuxuu yahay in dalkan horumar la gaadhsiiyo.

Shicibku dhankooda hoggaanka cusub waxay ka filayaan guulo degdeg ah iyo waxyaabo mucjiso ah oo runtii mararka qaarkood khatarteeda leh oo keeni karta niyad jab. Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne waxa madaxaaga ka guuxaya iyo isbedellada aad ku talo jirto in aad samayso si loo xaqiijiyo rajada shicibka waxa khasab ah in la helo maskaxdii iyo muruqii ama cududii aad u adeegsan lahayd fulinta barnaamijyadaada oo ah shaqaalaha dawladda iyo ciidamada oo iyaguna u xilsaaran amniga iyo Somaliland in ay noqoto dal xasilloon oo lagu soo hirto.

Haddaba madaxweyne ‘Reform-ka’ iyo qorsheyaasha kuu dejisan lagama yaabo in sidii la doonayay kuugu hirgelaan haddii marka hore aan la wajihin laba arrimood oo kala ah:

In la helo shaqaale jabsan oo anshax leh iyo ciidamo tababaran oo ‘discipline’ leh Iyo in la siiyo mushahar ku filan oo dabooli kara baahiyaha daruuriga ah laga bilaabo sanadka cusub.

Mudane Madaxweyne waxa laga yaaba in aad ka fikirto ama aad ka walaacdo xagga laga keeni karo mushahar kordhin degdeg ah laakiin, waxaan tilmaamaya in mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha sanadkan loo kordhin karo 100%, sannadaha dambena loo sii kordhin karo; waxaana kaaga filan miisaaniyadda ku baxda hay’addo madax bannaan oo shaqooyin muhiim ah u hayn qaranka ama la hoos gayn karo wasaaradihii markii horeba iyaga laga dheegay, mushaharkii 71 wasiir iyo kharashaadkoodii kale sida gunnooyin, kirooyinkii guryaha, gaadiidkii iyo shidaalkoodii iwm; marka loo geeyo mushaharkii 50 la taliye madaxweyne oo aan cidna la talin jirin oo haddana loo geeyo mushaharkii tiro soddomeeyo wasiirro iyo agaasimeyaal guud oo hore oo loo yaqaan xil sugeyaal oo qaata mushahar heer wasiirnimo iyo waliba marka lagu daro kharashaad malaayiin ah oo xukumaddu ku iibsan jirtay(Laaluush) taageerada qaybo ka mid ah bulshada.

Lacagahaas isu gayntoodu waxay ka badan karta mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada marka loo kordhiyo 100%. Wali kuma filna marka loo eego heerka nolosha magaalooyinka iyo qiimo dhaca shillinka Somaliland, hase ahaatee waa wax tar hor leh oo lagu sugi karo inta dib loo habaynayo dhaqaalaha dalka iyo siyaasadda lacagaha oo markaa loo sii kordhin karo.

Waxa hubaal ah in dhaqaalaha dalku inagu filan yahay haddii cashuuraha sidooda loo qaado Musuqmaasuqana si dhab ah loola dagaallamo, islamarkaana miisaaniyadda loo qoondeeyo sida ugu haboon iyo meeliba meesha ay kaga haboon tahay.

Muwaadin Somaliland dhaqaale xumo ma hayso ee waxa isu raacay maamul xumo, musuqmaasuq iyo xilkasnimo darrada masuuliyiintii Qaranka.

Qalinka: Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami22@gmail.com

Facebook: Abdirahman Adami

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here