Murashaxa WADDANI Oo Gool Ka Dhaliyey Xukuumadda Oo Dhabarka u Jeedisay Furdaaminta Khilaafkii Wakiillada

0
972

Muniir Axmed Cigaal

Hargeysa()- Guddoomiyaha ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ku guulaystay khilaaf sumcad xumo u soo jiiday Somaliland oo ka dhashay doorashadii Guddoomiyaha cusub ee Wakiiladda ee 7dii bishan qabsoontay oo natiijadeeda lagu murmay ka dib markii sida la xaqiijiyey la isdabo-mariyey labadii natiijo ee ay doorashadaas ka kala heleen Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle iyo Baashe Maxamed Faarax oo mansabkaas Cirro iska casilay ku tartamay.

Waxa doorashadan ka dhacday fadeexad ugub ku ah saaxadda siyaasadda waddanka oo ah in codbixintii doorashada guddoomiyaha lagu murmay iyadoo  Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle uu sheegay in 39 kii mudane ee isaga u coddeeyay loo yeedhiyay Baashe Maxamed Faarax oo isagana ay u codeeyeen  38 xildhibaan, balse natiijadii si fajiciso noqotay loogu dhawaaqay in Baashe Maxame Faarax ku guulaystay xilka guddoomiyaha cusub ee Wakiillada.

39-kii Xildhibaan ee u coddeeyay Xildhibaan Talyanle ayaa maalin ka dib dacwad ka dhan ah doorashadaas u gudbiyey maxkamadda sare ee dastuuriga ah, hase ahaatee maxkamadda ayaa ka galgalatay oo dhabarka u jeedisay    ka garnaqa dacwadan naadirka ah, waxaanay go’aamisay in lagu kala baxo xeer hoosaadka golaha wakiillada.

Sidoo kale xukuumadda ayaan  ku fashilantay inay door dhexdhexaadnimo ah iyo waanwaan ka dhex dhaliso dhinacyada muransan, waxaanay la safatay dhinaca Baashe Maxamed Faarax.

Khilaafka jiitamay waxa uu xanibay shaqadii golaha, iyadoo muddo saddex toddobaad ah aanay wax shaqo ah qaban xildhibaannadu oo xataa ay adkaatay in la buuxiyo  guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee aqalkaas oo wali bannaan.

Guddoomiyaha ahna murrashaxa madaxweynaha  ee xisbiga WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ku guulaystay inuu furdaamiyo khilaafka aqalka wakiillada kala qaybiyay, isagoo ay u suurtogashay inuu isu keeno labadii xildhibaan ee ku muransanaa guddoomiyenimada golaha, waxaannu ka dhex dhaliyay inay isku tanaasulaan oo ay isu daayaan xilkan.

Waxa kaloo la isla qiray in Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle helay 39 xildhibaan, hase ahaatee uu isagoo qaranka u tudhaya uga tanaasulay xilkan Baashe Maxamed Faarax.

 

Baashe Maxamed Faarax ayaa dhinaciisa qiray in loo tanaasulay waxaannu amaanay Xildhibaan Talyanle oo u tanaasulay iyo Guddoomiye Cirro oo isu keenay.

Dadweynaha Somaliland ayaa 24kii saacadood ee la soo dhaafay, waxay goobaha barkulanka bulshada ku hadal hayeen khilaafkaas la soo afjaray, waxaanay qabeen  in Cabdiraxmaan Cirro uu gool siyaasiya  ka dhaliyey xukuumadda oo indhaha ka qarsatay inay keento xal dhinacyadii muransanaa ku wada qancaan, kana gaabisay inay ka muuqato dedaalkii la iskugu soo jiidayey Baashe iyo Talyanle, taas badalkeedana ay adeegsatay xoog ciidan iyo lacago xad dhaaf ah si ay u meel mariso rabitaanka dhinacay la safatay, balse dhammaan awoodahaasi ma noqon kuwo xal u noqdo mushkiladii taagnayd.

Ray’ul-caamka Somaliland ayaa si weyn u soo dhaweeyey waanwaanta lagu soo afjaray kala qaybsanaantii  golaha wakiillada; waxaanay libta u weyn u hibeeyeen  Cabdiraxmaan Cirro iyo Cabdiraxmaan Talyanle oo ku qancay inuu noqdo qofka  tanaasulka qaatay. Waxa kaloo Baashe Maxamed Faarax-na lagu ammaanay inuu jilbaha qabsaday Cabdiraxmaan Cirro oo uu u arkay siyaasiga kaliya ee soo gabogabeyn kara khilaafkan oo xididiisu adkaadeen isla markaana ay ku lug yeelatay dawladdii laga sugayay xalku.

Dhinaca kale dhacdadan oo ahayd mawdiici ugu weyna ee doorashadii degaanada ee qabsoontay 2012-kii kadib mida ugu adag ee Qaranka Somaliland soo wajahda waxay cashar iyo tusaale wax laga baran karo u tahay doorashada Madaxtooyada ee Dalka ku soo fool leh, iyadoo arrinta wer werka lihi ay tahay hawl gabninada ku timi hay’adihii Qaranku ku baxsan laha marka lays qabto.