Murashax Cirro Oo Si Rasmi Ah U Aqbalay Natiijadii Doorashada

24
3132

Hargeysa(Geeska)-Murshaxii madaxweyne ee xisbiga Waddani Cadbiraxmaan-cirro ayaa aqbalay natiijdii doorashada oo uu ku tilmaamay mid la dhoob-dhoobay, waxaanu sheegay inuu go’aankan u qaatay qaranka Somaliland dartii.

Md. Cirro oo xalay saxaafadda la hadlay wuxuu yidhi “Waxa dhacday doorashadan musuqmaasuq isdabamarin iyo ku shubasho aan xad lahayn, waxa ku gadaamnaa doorashadii qabsoontay sidii aan faahfaahiyay, waxa taageerayaasha xisbiga Waddani lagula kacay tacadiyadii aanu soo bandhignay, waxa wali xabsiyada ku jira dadkii doorashada loo xidhay, waxa dhakhtarka jiifa dhaawacii ay xabaduhu ku dhaawaceen magaalooyinka Burco iyo Hargyesa, waxaynu ku waynay nafo badan iyagana Alle hawnaxariisto, waxaan aad uga xumahay ku tumashada sharciga ee aan xadka lahayn adeegsiga hantida umada ee aan loo aabo yeelin, cabudhinta lagu hayo shacabka iyada oo loo adeegsanaayo xooga ciidamada ee kala duwan ee loogu talo galay inay dadka cadawga ka difaacaan sugaana amniga shacabiga reer Somaliland.”
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa in aanay cidna dalkan ku xukumi karin cabudhin caga juglayn iyo cudud ciidan midnaba,waxaan soo jeedinayaa in shacbiga laga daayo xaalad abuurka iyo kicinta, magaalooyin iyo xaafado gaar ah la geeyay ciidamo aad u tiro badan oo wax yeeli kara amaanka qaranka, waxaan u soo jeedinayaa xukuumada inay sii dayso madaxda iyo taageerayaasha xisbiga Waddani ee ilaa imikaba xidh xidhan, waxa kale oo aan u soo jeedinayaa inay magdhaw siiso dadkii ciidamadu dhaawaceen iyo kuwii dhintayba.waxaan ka xumahay musuq
maasuqa,sixirbararka, dhaqaalaha bulshada oo halkii ugu hoosaysay maraaya maanta iyada oo ay ilaa hadda xidhan yihiin dhoofkii xoolaha nool oo laf dhabar u ahaa dhaqaalaha dalka. Xisbiga Waddani isaga oo ogsoon in aanay dalka ka dhicin doorasho xor ah oo xalaal ahi loona adeegsaday xoogii iyo xoolihii umada si xisbiga Kulmiye uu talada kula wareego gar iyo gardaraba, xisbiga Waddani isaga oo qiimaynaaya muhiimada nabadgalyada daganaashaha iyo horumarka dalka ee dadka reer Somaliland tacabka dheer u soo mareen isla markaasna tix galinaaya muwaadiniinta Somaliland , xisbiga Waddani isaga oo maanka ku haya in mar uun la gaadhi doono doorasho xalaal ah iyo dalkoo barwaaqo ah oo xaqiijiyay himiladii umaddani lahayd ee ahayd Somaliland madax banaan oo dunidu aqoon santahay kana mid ah beesha caalamka.”
Isagoo ka hadlaya go’aanka uu qaatay wuxuu yidhi “Markaan la tashaday xisbiga waxaan qaatay maanta go’aan qadhaadh oo aan hubo in aanu farax galinayn taageerayaasha codkooda la boobay kaas oo ah mid lagu badbaadinaayo midnimada umadda Somaliland iyo amaanka qaranka,umaan tanaasulin Muuse Biixi, umaan tanaasulin Kulmiye, waxaan u tanaasulay nabada iyo wadajirka iyo midnimada umadda Somaliland , waxaan go’aansaday in aan natiijada gacan ku samayska ah ee la dhoodhoobay aan aqbalo, sidii uu hore u yidhi madaxweyne Daahir Rayaale gacantayda Somaliland ku
burburimayso,aniguna waxaan leeyahay dalkaygu damacaayga u burburin maayo, dadkaygana dhiigooda u daadin maayo, waxaanse ka baqayaa inay gacanta Kulmiye ku burburto.”
Wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday “Walaalayaal waxaan hubaa inay rumoobi doonto rajada shacabka ee halganka kala duwan wakhtiga dheer loo soo maray, walaalayaal inaga oo ogsoon in Kulmiye uu dadkii qaybiyay iyo duruufaha badan ee qalafsan ee aan soo sheegay waxaan mar labaad kula dardaarmayaa shacbig Somaliland isku duubnaada dadkaygoow, u adkaysta waayaha adag ee aynu galnay, waxaan ugu baaqayaa taageerayasha xisbiga Waddani meel kasta oo ay joogaan in aanay u dhago nuglaan xaalad abuurka uu xisbiga Kulmiye ka wado dhamaan deegaanada JSL, waxaan ugu baaqayaa inaan ka fogaano banaan bax iyo iska hor imaadka ciidamada, madaxweynaha cusub waxa uu la kowsaday oo aan is leeyahay waa uu ku faraxashay dhiig, waxa lay sheegayaa hadda in xabadi Burco ka socoto( Xalay) dad dhintay iyo dad dhawac ahina ay jiraan, waxaan ku baaqayaa in la badbaadiyo dhiiga shacbiga Somaliland ee aan waxba galabsan, Somaliland ha
guulaysato,Somaliland ha guulaysato xisbiga Waddani ha guulaysto insha allaahu waxaynu badbaadinaynaa Somaliland.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here