Murashax Cirro oo si diiran loogu soo dhaweeyay Hargeysa

0
794

Hargeysa(Geeska):-Safar ay guulo badani ka soo dhasheen oo qaatay muddo 12-cisho ah isla mar ahaantaana Murashaxa Madaxweynaha WADDANI iyo wefti uu hoggaaminayaa ay socdaal la xidhiidha wacyi-gelinta qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta Doorashada ay ku soo mareen goballada bari ee Sool iyo Sanaag, ayaa shalay dib ugu soo laabtay isla mar ahaantaana si weyn looggu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa.

Weftigan Murashax Cirro oo ay taageerayaal baaxad-weyn oo isbedal-doon ahi ay iskood kaga hor-tageen duleedka bari ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay ku soo dhaweeyeen caleemo qoyan, calanka bilicda san ee WADDANI iyo weli ba sida oo kale erayo ay ku dhawaaqayeen oo ay ku muujinaayeen cududdooda taageero ee ay u hayaan Xisbiga WADDANI.

Qaar ka mid ah dadweynahii halkaas ku soo dhaweeyey Murashax Cirro oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin guulahii uu Murashax Cirro ka soo hooyey safarkii uu ugu maqnaa goballada Sool iyo Sanaa goo uu ku soo hantay quluubta shacabkaasi, waxaana ay cod dheer ku sheegeen in ay hormuud u yihiin isbedal dhaba oo ka dhaca Somaliland.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna halkaas warbaahinta kula hadlay, ayaa si weyn u sheegay in uu ku faraxsan yahay sida oo kale na uu taageerayaasha uga  mahad-celinaayo soo dhaweynta ay ugu sameeyeen duleedka bari ee magaalada Hargeysa, waxaana uu yidhi:-

"Waxa aanu idiin ka mahad-naqeynaa soo dhaweynta aad na soo dhaweyseen anaga oo ka soo galnay oo halkana ay tahay afaafkii laga galaayey magaalada, soo dhaweynta aad nagu soo dhaweyseen aad baad ugu mahad-san tihiin, waa so dhaweyn aan looggu talo-galin waayo maanta olole ma jiro."

Geesta kale weftiga Cirro ayaa si ballaadhan looggu soo dhaweeyey degmooyinka Gar-adag, War-idaad iyo weli ba deegaanada hoos yimaada degmooyinkaasi.

Murashax Cirro oo ay weftiga ku wehelinaayeen saraakiil sare sare oo ka tirsan xisbiga WADDANI, xubno ka mid ah hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba sida oo kale wax-garad iyo madax-dhaqameed ka soo jeeda deegaanada Gar-adag iyo War-idaad.

Qaar ka mid ah wax-garadka iyo taageerayaasha ka soo jeeda deegaanaddaasi oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay si aada ugu faraxsan yihiin in ay soo dhaweeyaan weftiga Murashax Cirro iyaga oo cod dheer ku sheegay in dadka deegaanaddaasi ay ka niyad jabeen Xisbiga KULMIYE oo ay sheegeen in uu hagraday isla mar ahaantaana aanu wax cusub u soo wadin wakhti xaadirkan.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo isna dhankiisa halkaas kala hadlay, ayaa sheegay in uu si weyn ugua faraxsan in uu soo gaadho deegaanaddaasi, waxaana uu ugu baaqay in ay qaataan kaadhka diiwaan-gelinta codbixinta Doorashada si ay fartooda ugu dhaliyaan isbedalka dhabta ah ee qarankani doonaayo.