Muranka Iyo Khilaafka Labada Waalid Waxa Uu Khatar Ku Yahay Caafimaadka Maskaxeed Ee Ubadkooda

37
3209

Hargeysa (Geeska)- Cilmi baadhis cusub ayaa daahfurtay in muranka iyo khilaafka waalidku uu sabab u noqdo in maskaxda ubadkooda ku hoos nooli ay awoodi kari weydo in ay barato noocyo jacaylka iyo qiirada ee lagama maarmaanka ah. Sidaa awgeedna uu samayn ku yeesho xidhiidhada mustaqbalka ay ubadku la yeelanayaan bulshadooda.

Waxa ay khubaradu sheegeen in khilaafka iyo hadallada dagaalka ah ee labada waalid ay maskaxda carruurta ku riddo faham ah in ay jirto cabsi oo ay qasab tahay dib u gurasho, halka farxadda iyo xidhiidhka xiisuhu ka muuqdo ee labada waalid uu maskaxda ilmaha ku beerayo dareen nabadeed iyo in ay qaaddo kalsooni ah in ay hore u socoto.

Waxa ay cilmibaadhayaashu intaas ku dareen in carruurta khajilaaddu ku badan tahay ay u badan yihiin kuwa xidhiidhka labada waalid uu saamaynta ku yeeshay. Waxa kale oo lagu arkaa in maskaxdoodu ay awoodi kari weydo in ay akhrdio shucuurta qofka iyo fahamka xaaladaha uu qofku cadhaysan yahay iyo marka ay farxadi jirto. Halka carruurta la midka ah ee iyagu la nool waalidkood oo xidhiidh jacayl iyo wanaag badani ka dhexeeyo, lagu arko garaad furnaan iyo in ay si sahal ah u fahmi karaan dabeecadaha iyo shucuurta dadka ay la macaamilayaan. Dr. Alice Shermerhorn oo ka tirsan jaamacadda Vermont ee dalka Maraykanka, kana mid ahayd xeeldheereyaasha daraasadda sameeyey ayaa caddaysay in ay daraasaddoodani si cad u muujisay sida uu muranka iyo khilaafka waalidku khatar u gelin karo caafimaadka maskaxda ubadka. Waxa ay sheegtay in xitaa marka uu muranku yahay mid cod hoose ah oo aan cadho badan laga dheehanayn in uu weli haddana ay dhaawac gaagdhsiin karto caafimaadka maskaxeed ee ilmaha.

Waxa ay daraasaddu sheegtay in muranka iyo khilaafka waalidku uu sida oo kale dhaawaco caafimaadka nafsiga ah ee carruurta, oo tusaale ahaan ay mustaqbalka noqdaan dad inta badan dhinaca xun wax ka eega, oo nolosha madow uun ku arka. Waana sababta marka ay yar yihiin loogu arko iyaga oo fahmi la’ dabeecadda waalidkood oo kala garan la’ marka uu cadhaysan yahay iyo marka uu faraxsan yahay sidaa awgeed mar kasta wadnaha farta kaga haya in uu cadhoodo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here