Muran Ka Taagan Diyaarad Daawo Ah Oo Uu Wasiir Ugu Deeqay Gurmadka Shuban Biyoodka Burco

0
635

Hargeysa(Geeska)-Maalmihii ugu dambeeyay waxa xukuumada madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ka soo baxaayay hadalo is burinaaya kuwaas oo ku saabsan diyaarad daawo ah oo Berbera soo cagadhigatay iyo xaalada daawada shuban biyoodka oo masuuliyiinta qaarkoodna ka dayrinayaan inay gabaabsi tahay halka kuwo kalena ay sheegayaan inay bakhaaro u buuxaan.

Wasiirka hawlaha guud Cali Xasan Maxamed ayaa isagu sheegay markii uu xaalada Burco ee daawo la'aanta ah ka argagaxay inuu dalbay diyaarad daawo ah taas oo soo cagadhigtay madaarka Berbera, halka wasiirka caafimaadka iyo isudwaha cisbitaalka guud ee Burcana ay sheegeen inay diyaaradaas soo gaadhsiisay haayada ICRC taas oo ay u mahadnaqeen. Badhasaabka Togdheer Ramaax ayaa isaguna dhankiisa meesha ka saaray daawo uu wasiir soo iibiyay, waxaanu daawadaas ku tilmaamay mid xukuumadu ay Burco soo gaadhsiisay.

Ugu horayntii wasiirka hawlaha guud Cali Xasan oo warbaahinta la hadlaayay waxa uu yidhi "Shalay anaga oo Hargeysa ka soo socona oo Berbera ku soo socona oo hawl kale u socona ayaa naloo soo sheegay in magaaladii Burco ee shubanku ka jiray daawooyinkii loo isticmaalayay ay gabaabsi ku jiraan runtii aad iyo aad ayaanu u warwarnay, sidii masuuliyiinti caafimaadka ee hawshaas gacanta ku haysayba ay uga warwareen isla markiiba waxaanu la hadalnay shirkadaha daawada ee Hargeysa jooga, waxa ay noo sheegeen in aan Hargyesa daawo ku filan laga helayn markaas shirkada Liibaan & Iimaan daawadii way noo dalbeen markiibana waxa la yidhi maxaa deg deg loogu soo qaadi karaa  iyadana diyaarad ayaa loo baahday Kiiniya ayaanu ka dalbanay si ay u soo fadhiisato Muqdisho oo ay daawadu u taalay shirkada, Alle mahadii si hawshaasi u guulaysato maanu fadhiisan imikana waataas daawadii timi."

Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye ayaa dhankiisa diyaaradaas daawada ah sheegay inay soo gaadhsiisay haayada ICRC"Waxaanu u mahadnaqaynaa haayada ICRC oo ka soo jawaabtay codsigayagii ahaa in daawo soo dhiibto, haayado badan ayaanu la xidhiidhnay oo haayada WHO waa ay soo wadaa."

Badhasaabka gobalka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa isagu sheegay in xukuumada ay daawadas soo iibisay "Gurmad balaadhan ayaa ka socda gobalka daawadaas timina anigu sidaas ayaan u sheegay oo xukuumada ayaa keentay, waxaanu anagu u mahadnaqaynaa xukuumada oo aanu ka mid nahay iyo wasiiradii ka shaqeeyay hawshan, wax kasta oo aanu qabano iyo hawl kasta oo aanu fulinaaba waa tii uu madaxweynuu noo igmaday hadday wasiir,badhasaab iyo maayarba tahay waxaanu ku shaqaynaynaa waa siyaasadii dawlada, gobalkii gurmad balaadhan ayaa ka socda markaas yaa na wada madaxtooyada ayaa nalaga hogaamiyaa da'daal badan ayaana la galay."

Wasiir-xigeenka maaliyada Cali Maxamed Axmed ayaa dhankiisa ka hadlay in xaalad daawo la'aaneed ay waajahayso Burco"Safarka dhexdiisii ayaa naloogu sheegay inay go'day daawadii shuban biyoodka loo isticmaalayay, xaaladaas oo ahayd mid murugo leh."

Wasiirka caafimaadka Saleebaan Xaglatoosiye ayaa hadalkaas si toos ah u beeniyay"bakhaaradu waa ay noo buuxaan daawana way taalaa beenta iyo borobogaandada la wado hala jojiyo."

Haddana, shalay gelinkii dambe wasiirka caafimaadka Mr. Xaglatoosiye iyo badhasaabka Togdheer Mr. Ramaax ayaa shirjaraa’id oo ay qabteen waxay sheegeen in daawada aanay ICRC keenin balse uu keenay wasiirka hawlaha guud, waxaanay sheegeen inay isku khaldeen laba diyaaradood, balse diyaaradani ahayd tii wasiirka hawlaha guud, waxaanay ka raaligeliyeen hadalkaas hore ee ay baahiyeen.

Wasiirada iyo masuuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa waxa ka dhex muuqda is dhex yaac iyo habqan, kaas oo sababi kara qas dhinaca maamulka ah.