Muran Ka Taagan Awoodaha Wiilka Uu Trump Soddogga U Yahay Iyo Afadiisu Ku Leeyihiin Guriga Cad Warbixin uu Geeska Afrika soo ururiyay

0
607

Washington (Geeska)- Tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump muddo hadda bil laga joogo, waxaa si is-daba jog ah u soo baxaya dhaliilaha la xidhiidha kaalinta ay awoodda qaranka ku leeyihiin wiilka uu sodogga u yahay ee Jared Kushner iyo afadiisa ah inanta uu dhalay madaxweynuhu.

Lammaanahan ayaa bilowgiiba kaalintooda Guriga Cadi ay muran bulsho, mid siyaasi ah iyo dood sharciba ka dhex abuurtay dalkaas, ka dib markii si aan looga baran dhaqanka siyaasadeed ee dalka Maraykanka uu Trump wiilkan uu soddoga u yahay u magacaabay xil ah la’ taliyihiisa gaarka ah, isla markaana inantiisu ay Guriga Cad xafiisyadiisa aad uga dhex muuqatay.

Arrintan ayaa aad mooddaa in ay sii korodhay, kadib markii ay soo baxeen masuuliyiin xilal aad u sarreeya ka haya maamulka Madaxweyne Trump oo ku dhiirranaya in ay ka hadlaan awoodaha aan sharciyaddooda la garan ee qoyska Trump ku dhex leeyihiin Maraykanka iyo weliba arrinta dareenka leh oo ah in madaxweynuhu uu dareen cadho leh kaga jawaabayo cid kasta oo arrintan su’aal iska weydiisay.

Jimcihii toddobaadkan ee 17ka Feebarweri madaxweynaha Maraykanka ayaa xilkii ka eryey madaxii golaha amaanka Qaraka u qaabilsanaa arrimaha galbeedka dunida, ka dib markii uu masuulkani si qarsoodi ah uga sheekeeyey gabadha uu dhalay madaxweyne Trump iyo odaygeeda oo talooyinka isu koobaya.

Caraig Deare waxa uu sidoo kale dhalleeceeyey siyaasadda madaxweyne Trump ee ku waajahan dalka Mexico, iyo sidoo kale la’taliyeyaasha ku xeeran madaxweynaha.

Caraig Deare oo uu Trump bishii hore u magacaabay madaxa waaxda arrimaha galbeedka dunida ee golaha ammaanka qaranka ayaa sida ay ku warrantantay wakaaladda wararka ee AP, mar uu ka qayb galay kulan fikir-is-dhaafsi ah oo lagu sameeyey xarunta Wilson. Caraig Deare waxa uu si aad ah u dhaleeceeyey wiilka uu madaxweynuhu sodogga u yahay iyo xaaskiisa, oo uu sheegay in ay iyagu isku koobeen dejinta siyaasadaha waqtiga fog ee dalka, waxa aanu ku dooday in ay lammaanahani arrintaas ka fogeeyeen masuuliyiintii kale ee golaha ammaanka qaranka oo ay khusaysay.

Waxa uu warku intaas ku daray in Ivanka Trump ay ka mid noqotay dooddii xeeldheerayaasha joogay kulanka lagu qabtay madaxka Wilson. Laakiin waxaa si gaar ah dareenka u soo jiidatay ereyada uu Caraig Deare u adeegsaday inanta madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen, ‘Waa gabadh jinniyado leh’

Afar maalmood oo keliya ka hor warkan eriga masuulkan naqdiyey inanta uu dhalay Trump ayaa waxaa iyaduna dood badan ka abuuray dalka Maraykanka sawir ay Ivanka ku faafisay boggeeda barkulanka bulshada ee twitter ka. Sawirkaas oo ah iyada oo ku fadhida kursiga madaxweynaha hareeraheedana taagan yihiin aabaheed Madaxweyne Trump iyo raysalwasaaraha dalka Kanada Justin Trudeau oo booqasho ku joogay dalka Maraykanka.

Dad badan ayaa u arkay in ay qalad tahay, maamuus ahaan, in shakhsi aan la doorani uu kursigan ku fadhiisto, marka laga eegay munaasabadda ay ku soo beegantay oo ah xilli masuul ajaanib ahi booqasho rasmi ah ku joogo Guriga Cadna arrintu waa ay ka sii dood iyo hadal badatay.

Doodda ah in Ivanka ay talada iyo maamulka maalinlaha ah ee madaxweynaha faraha kula jirtaa ma’aha mid cusub, balse hore ayaa ay dad badani ula yaabeen sawir ka hor intii aan Trump la dhaarin ahaa oo la arkay inantiisa oo kala qayb galaysay kulan uu madaxweynaha la doortay la qaatay raysalwasaaraha Jabbaan oo booqasho ku joogay Maraykanka.

Waxaa iyaduna jirtay in hore Ivanka ay u dhex gashay hadal talefan oo uu madaxweyne Trump la’ lahaa madaxweynaha dalka Argentina Mauricio Macri. In arrintani ay madaxweynaha Argentina ka yaabisayna waxaa caddaynaya sida uu markiiba arrintii u fashiliyey isaga oo u sheegay wargeys laga leeyahay dalka Jabbaan oo waraysi la yeeshay.

Trump ayaa wiilka uu soddoga u yahay ee Kushner waxa uu u magacaabay la’ taliyihiisa gaarka ah, sidoo kale Ivanka ayaa markii uu aabaheed talada qabtay ku dhawaaqday in ay iskaga tagtay shaqadii maamulka shirkaddeeda, iyada oo sida muuqata isu diyaarinaysay in ay u soo wareegto hawlaha Guriga Cad in kasta oo aanay xil rasmi ah ku magacownayn.