Muran Ka Dhashay Sheekh Sheegay In Gabadhu Ay Ku Raaxaysato Garaacista Ninkeeda

0
723

Picture1Aljeris (Geeska)- Sheekh Cabdiraxmaan Shayban oo hore u ahaan jiray wasiirka arrimaha diinta ee dalka Al-Jeeriya, kadibna noqday guddoomiyaha jimciyadda culimda Muslimiinta ee isla dalkaas ayaa waraysi uu muddo ka hor sii daayey telafishanka Al-Carabiya, waxa uu ku dooday in gabadhu ay ku raaxaysato garaacista saygeeda.

Sheekh Cabdiraxmaan Shaybaan oo ka jawaabayey dalab ay hay'ad ka shaqaysa xuquuqda Aadamaha oo dalka Al-Jeeriya ka dhisani ay madaxweynaha dalkaas kaga codsanaysay in ciqaab adag lagu soo rogo nin kasta oo u gacan qaada ooridiisa, waxa uu ku soo halqabsaday ninka hay'addan ka madaxda ah oo la yidhaahdo, Faaruuq Qustandiini, waxaana hadallada Sheekha ka mid ahaa, "Qustandiini, gabadha ugama naxairiis badna Ilaahi abuuray, oo qur'aankiisa ku sheegay in gabadha dhega adaygta ninkeedu ku edbiyo garaacis" Sheekh Shaybaan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku si idaray, "Daraasadaha cilmi nafsiga qudhooda ayaa caddeeyey in gabadhu ay ku raaxaysato garaacista ninkeeda"

In kasta oo uu sheekhu sheegay in garaacistan ay diinta Islaamku u bannaysay ninka haddana waxa uu tilmaamay in siyaasad ahaan aanay wanaagsanayn maadaama oo laga yaabo in ay sumcad xumo ku keento Islaamka, dad badanina u arkaan in ay diinta Islaamku tahay diin cadaawadeed. Waraysigan oo uu talefanka ku bixinayey ayaa isaga oo mar kale sii adkaynaya aragtidiisa arrintan la xidhiidha waxa uu yidhi, "Gabadha dhego adaygta in u ninkeedu garaaco, garaacis aan dhib u geysanayn sharcigu wuu banneeyey, laakiin siyaasad ahaan ma fiicna oo sumcadda islaamka ayaa ay xumaynaysaa"

Arrintan ayaa muran badan iyo khilaaf xooggan ka dhex dhalisay bulshada dalkaas oo u kala jabay kuwo la saftay Sheekha oo u arka in arrintani ay diini tahay oo mar kasta loo baahan yahay in saygu uu helo hab uu ku ciqaabi karo xaaskiisa haddii ay caasido iyo kuwo iyagu aaminsan in fikirkaasi uu dhiirri gelinayo in rag badani ay garaacaan xaasaskooda, taasina ay keento dulmi iyo tacaddi ku dhaca dumarka.