Muqdisho: Xildhibaan Qarax Lagu Dilay Iyo Al-Shabaab Oo Sheegatay Inay Fulisay

0
479

Muqdisho(Geeska)-Qarax shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya ayaa waxaa ku dhintay xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya halka mid kalana lagu dhaawacay.

Qaraxa ayaa ka dhashay bambaano lagu xidhay gaadhi ay wateen xildhibaannada.

Xildhibaanka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Isaaq Maxamed Reenow iyadoo xildhibaanka la dhawaacayna la yidhaahdo Maxamuud Cabdi Dhuux.

Alshabaab ayaa sheegatay inay ka danbaysay weerarkaaasi qaraxa loo adeegsadau.

Qaraxa ayaa imanaya iyadoo maalintii labaad uu galay shir ka socda Muqdisho oo lagaga hadlayo amniga Soomaaliya, kaas oo ay ka qayb galayaan khubaro ka kala timid gudaha iyo dibada si loo helo qaab looga baxo mushkiladaha amni daro ee Soomaaliya ka jiray sanadaha badan.