Muqdisho: Munaasabad Lagu Xidhayey Kalfdhiga Aqalka Sare Ee Soomaaliya Oo Lagu Kala Yaacay, Markii Laydhku Damay

0
490

Muqdisho (Geeska)- Munaasabad habeennimadii Isniintu soo gelaysay ee 7dii Meey ka dhacaysay aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa jaahwareer iyo cabsi badani ay soo waajaheen kadib markii mar keliya uu laydhku tegey, xilli munaasabadda lagu dhex jiro. Waxa aanay madashiina isu beddeshay gudcur aanay cidi arki karin waxa hareeraheeda ka dhacaya, taas oo keentay shaki dhinaca ammaanka ah.

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ay fadhiyeen masuuliyiinta ugu sarraysa dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 7.45 habeennimo ka bilaabatay barxadda weyn ee dhismaha golaha saree e baarlamanka Soomaaliya. Munaasabaddaas oo lagu sagootiyey kalfadhigii koowaad ee aqalka sare oo xidhmay ayaa iyada oo aan weli munaassabaddu gaadhin qaybaheedii muhiimka ahaa iyo ujeedadii loo qabtay, marka laga reebo masuul lagu magacaabay habdhawrka aqalka sare oo marti sharafta ku soo dhoweeyey munaasabadda, waxaa mar keliya damay laydhkii iftiiminayey barxadda weyn ee dhismaha aqalka-sare ee baarlamanka oo ay munaasabaddu ka socotay, waxa aana goobtii hadheeyey, cabsi, fawdo iyo is-dhex yaac ka hor intii aanay hawlwadeennada goobta joogay ku guulaysan in  goobta ay u iftiimiyaan laydka hore (Indhaha) ee gaadhi gudaha madasha yaallay, si xaaladda loo dejiyo dadkuna isu arkaan.

Munaasabaddan oo bilowgeed u badnayd damaashaad iyo heeso waddani ah oo mararka qaarkood la arkayey masuuliyiinta goobta fadhiday oo masraxa tegeya si ay ugu jiibiyaan fannaaniinta ayaa si rasmi ah u bilaabatay 10.30 habeennimo laakiin intii aanu hadalka si fiican u gudo gelin masuulkii ugu horreeyey ee ay ahayd in uu goobta ka hadlo oo ahaa guddoomiyaha golahaka shacabka Mr. Jawaari, ayaa uu laydhku tegey.

Munaasabaddan waxaa fadhiyey, masuuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweyne Farmajo, Raysalwasaaraha iyo ku xigeenkiisa, Guddoomiyeyaasha labada aqal, guddoomiyaha maxkamadda sare, danjiraha Turkiga u fadhiya Muqdisho oo ay xukuumaddiisu dhismahan ku caawisay Soomaaliya iyo xildhibaanno, waxa aanay ku dhammaatay in goobta oo madow ah lagu kala dareero iyada oo aanay qabsoomin munaasabaddii la isugu yimid. In kasta oo ay wararku sheegayaan in markii munaasabaddii lagu kala tegey laydh la’aan awgeed dib loo shiday laydhka.

Dhacdadan ayaa marka la eego xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho waxa ay habeennimadaas ka dhigtay mid cabsi badani soo waajahdo masuuliyiinta ammaanka goobtan iyo si gaar ah kuwa qaabilsanaa amniga madaxda sare ee goobtan joogay.