Muqdisho:- Kooxaha Oo Dagaal Isugu Bu’aya iyo Cabsida Shacabka Hadhaysay

0
2124

Dagaal_Muqdisho

Muqdisho(Geeska)-Warsaxaafadeed ay soo saareen taliska ciidamda Amisom ee ku sugan magaalda Muqdisho ee dalka Somaliya ayaa waxay ugu baaqeen dhamaan gancsatada suuqa Bakaaraha inay ka baxaan  suuqaasi oo ay ciidamada  Amisom hadda ku wajahanyihiin.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in suuqa Bakaaraha saldhigyo malatari ay ku leeyihiin kooxda Al-shabaab islamrkaana ay imika ku wajahan yihiin ciidamda Amisom, afhayeenka ciidamda amisom Paddy Ankunda ayaa sidoo kale sheegay inay duqa magaalda muqdisho ee DKMG ay la qorshaynayaan sidii suuq kale loo samayn lahaa.

Afhayeenka ciidmada Amison Paddy Ankunda oo  arimahaasi ka hadlaya waxa hadaladiisa kamid ahaa“Waxaan mar kale ku celinaynaa in shacabka iyo ganacsatada Suuqa Bakaaraha inay iskaga soo baxaan suuqasi, taasina waa yarayn karta  dhibaatooyinka ku dhaca dadka rayidka ah, waxaana doonaynaa in aan abuurno Suuq cusub, inagoo kala shaqaynayna gudoomiyaha gobolka Banaadir ee DKMG, ma’ahan meel amaan ah goobaha ay ka taliyaan Al Shabaab”

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa iyaduna ku jirta xaalad diyaar garow dagaal ah oo ay ku difaacayso saldhigyadeeda ay AMISOM ku waajahantahay, waxaanay dad badan oo reer Muqdisho ahi ka walaacsanyihiin dagaalo hor leh oo la filayo inay qarxaan, kuwaas oo ay inta badan dadka shacabka ahi ku le’daan.