Muqdisho:- Dagaal Aan Waxba La Iskula Hadhin iyo Guulo La Kala Sheegtay

0
1084

 

Dagaal1Muqdisho (Geeska)- Dagaalo xoogan ayaa maalintii labaad ka socda qaybo kamida magaalda Mudisho ee dalka Somaliya, halkaas oo ay ku dagaalmayaan ciidamda dawlada Sh Shariif oo garabsanaysa Amisom iyo ururka al-shabaab. Dagaalkan oo ka socda wadada wadnaha ee magaalda Muqdisho ayaa ah kuwo ay dawlada Sh Shariif iyo kuwa Amisom ay ku damcsan yihiin inay ku qabsadaan suuqa bakaaraha oo ay ku tilmameen ilaha ugu waawayn ee ay dhaqaalaha ka helaan kooxda Al-shabaab.

Sh Shariif oo warbaahinta la hadlaayey ayaa sheegay inay ciidamdoodu dagaaladii maalmihii u danbeeyay socday ay ka gaadheen guulo la taaban karo kuna qabsadeen dhul hor leh, waxanu hanbalyo warbaahinta u mariyay ciidamdiisa iyo kuwa Amisom oo uu sheegay inay guulahaasi soo hooyeen. Sidoo kale waxa uu sheegay inay xoogaga ajaanibka ahi iskaga baxaan wadanka Somaliya.

Dhanka kale Sh Xasan Daahir Aways oo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa ugu baaqay ganacsatada suuqa bakaaruhu inay dagaalka ka soo qaybgalaan, isla markaan ay difaacaan hantidooda lagu soo duulay waa sida uu u dhigay hadalkiisee.

Ciidamda Amisom oo iyana war saxaafadeed ka soo saaray dagaalda maalintii labaad galay magalada muqdisho gaar ahaan dagaalka ku wajahan suuqa bakaarah ayaa wax ay sheegeen in hawl galkaasi ay kaga dhinteen laba askari, kana dhaawacmeen shan askari oo kale. Waxaanay war saxaafadeedkaasi ku sheegeen inay ururka al-shabaab ka dileen 20 dagaal yahan kana dhaawaceen in kabdan 40 kale. Laakiin Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dagaalkaas shalay ku fashilisay qorshe ay AMISOM doonayeen inay kula wareegaan suuqa bakaaraha.

Labada dhinac ayaa guulo kala duwan ka sheegtay dagaalka ku dhex maray nawaaxiga suuqa bakaaraha, hase ahaatee ilaa hadda si cad looma xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee labadii maalmood ee la so dhaafay kala gaadhay dawlada Shariif iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo kooxda Al Shabaab.

Si kataba aha ahaatee waxa cabasho xoogani ka soo yeedhaysaa dadka ganacsatada ah ee suuqaas ku gancsada oo maalmihii u danbeeyay ay dagaaladu dul hogganayeen.