Munaasibadii 11-Aad Ee Abaal-Marinta Shaqaalaha Shirkadda Telesom Ee 2013 Oo La Qabtay

0
537

Picture5Hargeysa(Geeska)–Shirkadda Telesom ayaa qabatay xafladda munaasibadii 11-aad ee abaal-marinta shaqaalaha weynaha shirkadda. Munaasibada oo ka dhacay hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa habeen hore, waxaana ka soo qayb galay wasiirka dhalinyarada dhaqanka iyo ciyaaraha Cali Siciid Raygal, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Cabdirsaaq Khaliif, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Axmed, gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin, Culimo-awdiin, Salaadiin, Maamulka Sare ee Shirkadda Telesom, Gudoomiyayaasha Daladda SONYO iyo Nagaad, Marti Sharaf kale iyo shaqaalaha Shirkadda Telesom.

Xafladan munaasibadda 11-aad ee Abaal-marinta shaqaalaha shirkadda Telesom ayaa shahaadooyin lagu siiyey shaqaalihii kaalmaha koowaad iyo labaad ka galay qiimayntii shaqaalaha ee sanadkii 2013. Shaqaalahaasi oo la gudoonsiiyey abaal-marino lacageed iyo shahaadooyin lagu dhiiri galinaayo shaqadii wacnayd ee shirkadda Telesom u soo qabteen.  Shaqaalahan shahaadooyinka la gudoonsiiyey ayaa ka kala socday xarunta guud ee shirkadda Telesom iyo xarumaha ay shirkaddu ku leedahay gobolada dalka oo dhan.

Ugu horayn waxaa furitaanka xaflda ka hadlay maamulaha Waaxda Shaqadda iyo Shaqaalaha ee Shirkadda Telesom muddane Cabdiqaadir  Maxamed Sahal waxaanu sharaxaad dheer ka bixiyey marxaladaha shirkada Telesom ay u soo xulato shaqaalaha, siday aqoontooda u dhisto, qaababka ay shirkadu u dhiiri galiso shaqalaha, noocyada dheefaha kala duwan ee shirkadu siiso iyo ujeedada qiimaynta shaqaalaha laga leeyahay.

Muddane Cabdiqaadir Sahal ayaa si aad ah ugu nuuxnuuxsaday kaalinta ay shaqaaluhu horumarka kaga jiraan, waxanu yidhi, "Haddii la waayo shaqaalo hawl-kar ah waxay shirkadaasi noqonaysaa shirkadda fadhiid ah, si loo helo taasi waxaa loo baahan yahay in la helo shaqaale ku haboon hawsha shirkadda." waxaa kale oo uu yidhi,  "Qofkasta oo shirkadda Telesom ka mid ah waxa u dareemayaa jawi xasilooni oo shaqadiisa aamni uu ku yahay oo aanu ka cabsi qabin in uu shaqadda si fudud looga eryi karo".

Hawl-galiyaha  guud ee shirkadda Telesom muddane Ciise Maxamud Faarax  oo isna madasha ka hadlay ayaa mahadnaq u soo jeediyey shaqaalaha shirkadda Telesom ee sanadkii 2013 shaqadda wayn u soo qabtay shirkadda Telesom. Gudoomiye Ciise ayaa sheegay in dhibaatada dalka ka jirta ee shaqalo la'aanta ahi ay ugu wacan tahay dadkeenii oo aan diyaar u ahayn shaqadda qofkastana uu doonayo in uu noqdo qof shaadkiisu cad yahay.  Gudoomiyaha ayaa yidhi, "Maanta haddii la yidhaahdo shirkadda Telesom shaqo ayaa ka banaan waxaa laga yaabaa in 2000 ama 3000 oo qof soo codsadaan, haddii la yidhaahdo dawladda Hoose shaqo ayaa ka banaana waxaa laga yaabaa in aanay dad badani soo codsan".

Gudoomiye Ciise Maxamud Faarax ayaa ka digay akhtarta ay dalka ku keeni karto shaqooyinkii hoose ee ay gacanta ku hayaan dadka ajaanibka ah kuwaasi oo uu tilmaamay in ay hadhow ubadkoodu kala wareegi doonaan, taasin uu mustaqbalka dalka ay halis galin karto.

Dhanka kale waxaa isaguna madasha ka hadlay Sheekh Almis Yaxye waxaanu xusay in diinta Islaamku ay dadka ku boorisay in shaqo kasta oo uu qofku qabano uu u qabto sida ugu fiican joogteeyana. Sheekha ayaa sheegay in  horumarka lagu gaadho in la tayeeyo qofka shaqaalaha iyadoo qofkaasi laga tayeynayo dhanka maskaxda iyo qalbiga si uu qof ku noqdo qof aamin ah oo hawl-kar ah. Sheekha ayaa mar uu ka hadlaayey shaqo la'aanta dalka ka jirta waxanu sheegay in shaqooyinkii sarena ay hayaan dad ajaanib ah oo tiradooda lagu qiyaasay 5000 oo qof kuwaasi oo qaata musharax u dhexeeya $3,000 ilala $4,000 oo dollar. Kuwaasi oo sanadkii qaata qiyaasti $20 milyan oo dollar. Sheekha ayaa sheegay  in lacagtaasi ay shaqo u abuuri karto 20,000 oo dhalinyaradeena ah kuwaasi oo jaamacada dalka ka soo qalin-jabiyey.

Waxaa isna munaasibaddan 11-aad ee Abaal-marinta shaqaalaha Telesom ka hadlay Suldaan Axmed Daahir oo ku hadlaayey afka Salaadiinta Somaliland ayaa sheegay in shirkadda Telesom iyo shirkadaha kale ee dalku ay iyagu samaysteen shaqaalahood.  Suldaanka ayaa ku guubaabiyey shirkaddaha kale in ay ku daydaan shirkadda Telesom.

Gudoomiyaha Daladda Haweeenka ee NAGAAD Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi oo ku hadlaysay afka haweenka ayaa hadaladeedii waxaa ka mid ahaa, "Runtii waxaan uga mahadnaqayaa shirkadda Telesom abaal-marinta ay shaqaalaheeda gudoonsiinayso. Waxaanan shirkaddaha kale ugu baaqayaa in ay ku daydaan".  Marwo Kaltuun Sheekh Xasan ayaa shirkadda Telesom ugu baaqday in ay ka qayb-qaadato wacyi galinta bulshadda oo kolba meeshii u baahan in bulshadda laga wacyi galiyo ay fariimo gaagaaban u dirto bulshadda.

Gudoomiyaha Daladda SONYO Mubaarik Cismaan Taani oo isna ku hadlaayey afka dhalinyaradda Somaliland ayaa xusay in shirkadda Telesom ay shaqaalaheedu u badan yihiin dhalinyaro waxaanu u hambalyeeyey shirkadda Telesom oo uu ku sheegay in ay tahay shirkadda kaliya ee nooceeda ah oo bilowday in ay Abaal-marin gudoonsiiso sanad walba si xidhiidh ah shaqaalaheeda. 

Gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Xisbiga Kulmiye muddane Maxamed Kaahin oo isna munaasibaddan abaal-marinta shaqaalaha shirkadda Telesom ka hadlay waxaanu yidhi, "Aad iyo aad baan uga mahadnaqayaa madaxda shirkada Telesom sida ay u soo agaasimeen xafladan abaalmarinta shaqaalaha shirkadda Telesom".  Muddana Kaahin ayaa sheegay in dal kasta horumarkiisu uu ku xidhan yahay shaqaalihiisa in la dhiiri galiyo shaqaalaha ay keento in horumar lagu sii talaabsado. Gudoomiye Maxmed Kaahin ayaa mar uu tilmaamayey doorka ay shirkaddaha Isgaadhsiinta iyo xawaaladuhu ka soo qaatay horumarka dalka waxa uu sheegay in ay dalka meel dheer kala soo dhaceen oo ay maanta wax badan bulshadii horumarkeedii u sahleen. Gudoomiye Maxamed Kaahin ayaa shirkadda Telesom iyo shirkaddaha kala ka codsaday in ay siyaasiyiinta ka dhigaan mobaylada tirada badan ee kala jaad-jaadka maadama ay hadda gaadheen aqoontii lagu midayn lahaa.

Ugu dambaytnii waxaa xaflada soo gabagabeeyey Wasiirka Dhaqanka Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Somaliland Muddane Cali Siciid Raygal oo ku hadlaayey afka golaha wasiiradda Xafladda ka soo qayb-galay. Wasiirka ayaa mahadnaq iyo hambalyo u soo jeediyey Shirkadda Telesom iyo shaqaalaheeda, waxaanu sidoo kale uga mahadnaqay shirkadda Telesom sida ay ula shaqayso xukuumadda Somaliland.  Wasiirka ayaa sheegay in runtii ay jirto in dalka ay ka shaqeeyaan dad ajaanib ah, waxanu tilmaamay in hawshaasi loo baahan yahay in la iska kaashado.

Wasiirka ayaa fariin u diray dhalinyaradda dalka ee ku sii qulqulaaya waddamada reer galbeedka waxanu dhaar ku maray wasiirku in aanay Yurub, Maraykanka iyo Waddamada Eeshiya aanay midna oolin shaqo sharaf leh oo uu qofku suud iyo tay u soo xidho balse uu shaqooyin hoose oo dalkeenaba ka banaan uu ka qabto wadamadaas. Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan dhalinyaro intay meel qurux badan isku soo sawiraan  in ay dhalinyaradda kale facebook-ga usoo dhigaan ka dibna dhalinyaro badan ay naftooda khatar galiyaan, ka dibna marka ay meesha gaadhaan ay la kulmeen qofkii oo meel hoosaysa ka shaqaynaya.  Wasiirka ayaa codsaday in bahalka facebook-ga laga wadda shaqeeyo sidi dhinac fiican loogu adeegsan lahaa mar haddii aan la joojin karin.

Gabo-gabadii xafladda Abaal-marinta shaqaalaha Shirkadda Telesom waxaa abaal-marin la gudoonsiiyey shaqaale tiradoodu gaadhayso dhawr iyo sodon shaqaale ah kuwaasi oo ku guulaystay kaalmaha kowaad iyo labaad. Shaqalaas oo ka kala yimid gobolada dalka oo dhan. Waxaan shaqaalaha abaal-marinta gudoonsiiyey wasiiradda Hawlaha guud iyo Guryeynta, Diinta iyo Aw-qaafta, iyo gudoomiyaha shirkadda Telesom.