Mulkiilaha Shirkadda FACEBOOK Oo 2 Maalmood Ku Khasaaray 9 Bilyan Oo Doolar Iyo Sababta Hoos U Dhaca

0
816

Washington (Geeska)- Maalqabeenka Maraykan ee aasaasay isla markaana maamulaha guud ka ah barta bulshadu ku kulanto ee Facebook ayaa muddo 48 saacadood gudahood ah ku khasaaray lacag ka badan 9 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah, oo ka mid ahayd saamiyadii ay shirkaddiisani lahayd .

Sida ay ku warrantay shabakadda wararka ee NBC oo dalka Maraykanka laga leeyahay, khasaarahan soo gaadhay Mark Zuckerberg, waxaa sababay warbixinno soo baxay oo xaqiijinaya in shirkadda Ingiriiska ah ee Cambridge Analytica ay Facebook ka heshay xogaha dadka Maraykanka ah ee codaynayey, kaddibna ay samaysay gorfayn iyo falanqayn ay ku caawisay masuuliyiintii madaxa ka ahayd ol’olaha madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, sannadkii 2016kii.

NBC waxa ay sheegtay in warkan ay ka soo xigatay Joornaalka Blumberg ee faallooda arrimaha maalqabeenka dunida iyo majaladda kale ee Forbes oo salaasadii toddobaadkii hore qortay in hantida Mark Zuckerberg ay hoos ugu soo dhacday qiyaas ah 66 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah, halka ay marka hore ahayd 75 Bilyan. Taas oo macnaheedu yahay in Zuckerberg oo ahaa ninka afaraad ee dunida ugu maalqabeensan in uu hadda hoos ugu noqday kaalinta lixaad ama toddobaad.

Mar sii horreysay ayaa baarlamaanka dalka Ingiriiska oo warbixintaas ka duulayaa uu Mark Zuckerberg ugu yeedhay kulan uu ku weydiinayo su’aalo la xidhiidha warbixinta lagu xusay xidhiidhka Facebook iyo Cambridge Analytica oo iyaduna heshiis kula sii jirtay guddidii ol’olaha Trump, si ay ugu ol’olayso una shukaamiso codadka dadka malaayiinta ka badan ee Maraykanka ah ee isticmaala Facebook, iyada oo weliba isticmaalaysa xeelado heersarreeya oo qofku isaga oo aan ogeyn in cidi duufsanayso uu ku qancayo in uu u codeeyo Trump.

Waxaa shirkadda Facebook lagu eedaynayaa in ay ururisay xogta gaarka ah ee dad ka mid ah macaamiishooda oo tiradoodu ka badan tahay 50 Milyan, iyaga oo aan dadkaasi ogeyna ay xogtaas oo badhkeed xitaa qaybta farriimaha gaarka ah dadkan ugu jireen, ay u gudbisay shirkadda Cambridge Analytica oo hadda shaqada ay ka joojisay dawladda Ingiriisku, si loogu sameeyo baadhitaan arrintan la xidhiidha. Talefishanka Kanaalka Afaraad ee Ingiriiska ayaa isagun dhowaan baahiyey fiidyow gaaban oo si qarsoodi ah looga duubay agaasimaah guud ee shirkadda Cambridge Analytica, isaga oo ku faanaya in shirkaddiisu ay kaalin muhiim ah ka qaadatay ol’olaha Trump. Waxa uu agaasimuhu sheegayaa in ay dhowrjeer isla arrintan awgeed u kulmeen Donald Trump oo markaas murashax ahaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here