Mujaahid Xasan Ciise Jaamac Oo Ka Hadlay Marxaladda Ay Somaliland Marayso Iyo Xaaladaha Siyaasadeed Ee Dalka Ka Taagan

46
3236

Hargeysa(Geeska)-Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, oo ahaa madaxweyne-xigeenkii u horeeyay ee Somaliland, ayaa ka hadlay marxalada ay Somaliland marayso.

Xasan Ciise Jaamac, oo qoraal soo saaray, wuxuu ka digay cawaaqibka ka dhalan kara farriimaha aan quruxda badnayn ee ay isweydaarsadaan taageerayaasha muxaafidka iyo mucaaradku. Qoraalka Xasan Ciise wuxuuu dhignaa sidan:

“Laba eray, mid gaara iyo mid guud, Marxaladan iyo Somaliland”

1 .Ereyga gaarka ah ee marxaladan: Shaki igagama jiro laba arimood. Haddii uu Muuse maanta mucaarid ahaan lahaa, Cirrona madaxweyne ahaan lahaa shaki igagama jiro in Muuse u caaridilaha ciro sida uu imika Ciro u caaridayo Muse iyo si ka daran.

Waxa kale oon shaki igaga jirin in hadii arintu sidaas  ahaan lahayd ( ileyn ma muuqdaan cid u bedelilaheyd sacuudiga iyo imaaraadkuye ) inuu Ciro saxeexi lahaa heshiisyada Imaaradka ee uu imika ku canbaareynayo Muse.

Waa halkii reer bariga fog ee boowe maxaa kuu baxay?! Waxa kuu baxay waa siyaasad ah bariga dhexe !

  1. Ereyga guud: Nidaamka siyaasadeed ee dimooqaraadiyada iyo xisbiyada badan waxaynu kasoo qaadanay reer galbeedka.

Ma xuma, oo cilmiga iyo xikmada waxa la ina faray inaynu meelkasta ka doonano. Tariikhda aduunkuna weligeedba waxay ahayd laga barayba laga badi.

Waxase cadaana inaanu nidaamkani si fican u abaqaalmin waabeynu siganey ololoyashii iyo labadii doorasho ee udanbeeyey.

Waxaad ku garaneysaa, colaada iyo ceyda iyo naceybka ay is weydarsanayaan taageerayaasha muxaafidka iyo mucaaridku.

Waxa la gaadhay, ayaan qabaa,  wakhtigii aynu dib u eegis ku samayn lahayn nidaamkan aynu dibada kasoo qaadanay ee aynu qiimaynlahayn waxaynu ka faa’iidnay iyo wixii dhibaato ah ee uu inagu keenay, dabeetana xalka isweydiinlaheyn.

Arintani cidkasta oo siyaasada danaynaysa wey khusaysaa, xukuumadana si gaara ayay u khuseysaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here