Mujaahid Cabdisalaan Turki Oo Shacabka Ugu Baaqay Weynaynta Maalinta 18 May

0
537

Picture4Hargeysa(Geeska)-Mujaahid Cabdisalaan Maxamuud Jaamac (Cabdisalaan Turki), oo ka mid ah Saraakiishi Ururkii SNM, ayaa ka hadlay dareenkiisa ku waajahan Xuska 18-may, ee fooda inagu soo haysa, oo ah maalintii ay Somaliland dib ula soo noqotay xoriyadeedii, waxaanu Bulshada reer Somaliland ku dhiirigeliyey inay Maalintaas weynayaan, oo ay muujiyaan inay yihiin dal iyo dad ka madax banaan Somalia.

Mujaahid Cabdisalaan Turki ayaa sidoo kale Bulshada reer Somaliland ka codsaday uguna baaqay inay si wada jirah uga wada  qeyb qaataan dhismaha Waddooyinka kala duwan ee ka socda Dalka,si toos ahna u bixiyaan Cashuuraha ku waajibay, si wax loogu qabto.

Mujaahid Cabdisalaan Turki oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa sidoo kale ka hadlay Odeyaashii ka yimid Somalia, waxaanu sheegay inay Odeyaashu wax badan ka barteen Somaliland, muddadii ay joogeen, waxaanu yidhi “Waxa fooda inagu soo haya Maalintii aynu dib ula soo laabanay xoriyadeeni aynu dayacnay ee inaga luntay 1960-kii, dib u soo noqoshadii aynu dib ula soo noqonay dalkeena, ciyaar ciyaar ulamaynu soo noqon dhiig ayaa u daatay, dad aad u badan oo aan tiro lahayn ayaa u dhintay, u dhaawacmay, Caruur ayaa agoon u noqonay, Hooyooyin ayaa asay loo saaray,ballse ugu dambeyntii cadawgii dadkeena xasuuqa u geystay weynu jabinay, dawlad ayeynu dhisanay, dadaal iyo horumar aad u balaadhan ayeynu ku talaabsanay, indhaha Caalamka ayaa il gaar  ah inagu haya, waxaana qaba in marka Doorashooyinka Barlamaanka iyo  Madaxtooyadu dhacdo inay wax badani inoo hagaagayaan, Bulshada  Somaliland oo ah Bulsho aad u wanaagsan waxa aan ka codsanaya inay aad u weynayaan aadna u muujiyaan Maalintii ay xoriyadooda la soo noqdeen, Caalamkana u soo bandhigaan waxa  ay qabsadeen”.

Mujaahid Cabdisalaan Maxamuud Jaamac (Cabdisalaan Turki), ayaa  mar uu ka hadlay Waddooyinka kala duwan ee dalka ka socda iyo fariin uu u diray Shacabka reer Somaliland yidhi “Waddooyin  badan ayaa la hirgaliyey, Waddooyin badana wey socdaan, qaarna waa la bilaabi doona, marka haddii aan ku horeeyo Waddada Maanta ugu miisanka culusi waa Waddada Ceerigaabo, oo aan hubo inay wax badan inoo tari doono marka la dhameeyo, waxa kale oo hadda socda Waddooyinka Baligubadle, Salaxley, Dawga-cad, marka si wax walba ay inoogu hagaagaan waa in si toos ah loo bixiya Cashuuraha waajibka inagu ah, inaga oo og inay Cashuurteenu ay aad u yar tahay marka loo eego Wadamada aynu jaarka nahay”.

Mujaahid Cabdisalaan Turki oo aanu wax ka weydiinay sida uu u arko Odeyaasha Somalia ee dalka yimid ayaa yidhi “Odeyaasha Somaliya ka yimid wax dhib ah oo ay inagu hayaan ma jirto, inaga inay yimadaan waa inoo dan iyagana waa u dan, maxa yeelay inaga waa inoo dan oo waxa  ay arkayaan sida wacan ee aynu wax u qabsanay, kala dambeynta dalka ka jirta, horumarka balaadhan ee aynu ku talaabsanay iyo nidaam wanaaga, iyagana waa u dan oo waxa ay dadkoodii, dawladoodii iyo dalkoodii ula tagayaan una sheegayaan heerka aynu gaadhay, waxa aynu qabsanay iyo nidaamka inaga muuqda, iyo walibana fikirka aynu ka taagan ahay Somalia”