Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Oo Madaxda Xisbiyada Ugu Baaqay Inay U Loolamaan Si Nadiif Ah Oo Aan Qabyaaladi Ku Jirin

0
535

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne-xigeenkii hore ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa madaxda xisbiyada qaranka ku dhaliilay inaanay u tartamayn si hufan oo waayeelnimo ka muuqato, waxaanu si gaar ah ugu dhaliilay inay xisbiyadu tumayaan durbaano qabiil oo halis gelin kara nabadgelyada guud ee qaranka.

Mujaahid Cabdiraxmaan oo waraysi uu la yeeshay telefishanka qaranka, ayaa wuxuu sheegay in tartankii doorashada ee xisbiyadu isu bedelay mid qabyaaladeed “Xisbiyadan qaranka ee imika jira masuuliyad weyn ayaa saaran iyo nimanka hoggaaminayaba masuuliyad ayaa dalka iyo dadka ka saaran, waxa weeye nimankii beri ka maalin dalka madaxda ka noqon lahaa waxaan aad u dhaliilayaa sida ay u tartamayaan, waxaan uga jeedaa si ka hufan sidan oo ka qurux badan oo ka asturan oo ka qabyaalad yar.” ayuu yidhi Cabdiraxmaan oo u waramay weriye Maydhax oo ka tirsan Telefishanka qaranka, waxaanu intaas raaciyay “Xisbiyada waxaynu u samaysanay in qabyaaladda aan kaga maarano,  haddaanu reer hebel nahay ama jilib hebel nahay xisbigaas ayaanu galaynaa, xisbiyadii inay taas gogol ugu higayaan ayaad moodaa, qabaail waa la yahay laakiin weli sidii quruxda badnayd ee ay si hufan ugu tartami lahaayeen miidaankii doorashada iyo xisbiyada ma muuqato, way qaawantahay sannadkan, waxaan leenahay xisbiyada waar maradii ku celiya bahasha.”

Isagoo Cabdiraxmaan Aw Cali la hadlaya shacabka Somaliland, wuxuu ku dhaliilay hadalada qabyaaladeed ee ay warbaahinta la soo hor istaagaan oo ah nidaam ka baxsan dawladnimada iyo dunida casriga ah, waxaanu ugu baaqay madaxda xisbiyada inay dadka hoggaamiyaan ee aanay iyaga dadku hoggaamin, “Waxa loo baahanyahay xisbiyadu inay dadka ku hoggaamiyaan dariiqa fiican iyo sida hufan ee loo tartami karo oo aanay dadku iyaga hoggaamin ee ay iyagu dadka hoggaamiyaanan, waxaanan leeyahay haddii nabadgelyada la ilaalin waayo oo si fiican loo tartami waayo oo lagu talo geli waayo in waxna la heli karo waxna la waayi karo, oo sidaas lagu geli waayo tartanka waar dalka madax laga noqonayaa halkuu imanayaa, haddii ay colaadi timaado oo dadku kala fogaado yaa loo noqonayaa madax, haddii qaranku dumo yaa madax loo noqonayaa.” sidaas ayuu Cabdiraxmaan Aw Cali ku soo gunaanaday taladiisa odaytinimo.