Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Oo Farriimo Odaytinimo U Diray Murashixiinta Iyo Bulshada Codaynaysa

0
815

Hargyesa(Geeska)- Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo hore jagada madaxweyne ku xigeen ugu soo qabtay Somaliland ayaa musharaxiinta tartamaaya ugu baaqay inay ilaaliyaan jiritaanka Somaliland isla markaasna ay aqbalaan natiijada doorashada madaxtooyada ka soo baxda.

Waxa uu sida oo kale Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax shacbiga Somaliland uu ugu baaqay in aanay coloobin ee ay xisbiyada codka ugu ridaan, waxaana uu arimahan kaga hadlay madal maanso arimaha doorashooyinka iyo xaaladda uu dalku marayo la xidhiidha oo uu soo bandhigay Abwaan Xasan Dhuxul Laabsalaax waxaana isaga oo arimahan ka hadlaaya uu Mujaahidku yidhi “Laba jeer ayay dhacday oo markii siddeetanka cod nalagaga helay, madaxweyne Siilaanyo iyo anigay ahayd aaraa badan ayaa is dhex maraysay waar waa layna dhacay ee ka kaca waliba madaxweyne jabhadii ku soo jiray ayuu ahaaye askari muu ahayn, ninka la tuhmay aniga ayuu ahaa waar meesha ka kac adiga ayaa askari ah ee wax iska celiya, ma intaas ayaa laynagaga qaadayaa, waxa nagala qiimo weynaatay inay Somaliland jirto in dimuqraadiyada Somaliland ay sii socoto in wanaaga dalku uu sii socdo, ayaa nagala qiimo weynaaday inaanu anagu kuraastayada ku dagaalano, taasi mid ayay ahayd, mar labaadkii waxaya ahayd Daahir Rayaale Kaahin madaxweynii hore markii doorashada natiijadeedu soo baxday waxa lagu yidhi ha yeelin jawaabta uu bixiyay waad ogaydeen mid taarikhi ah ayay ahayd, Somaliland aniga gacantayda ku burburimayso ayuu yidhi,.”

Isagoo mudane Cabdiraxmaan Aw Cali la hadlaya murashixiinta tartamaysa wuxuu yidhi “Ragga imika tartamaaya ee walaaladayo ah waxaanu ka filaynaa sidaas oo kale, ciddii hesha doorashada ee ilaahay keeno inay inta kale gacan qaado, oo sidaas ragii horeba yeelay inay iyaguna yeelaan, midna waan idiin sheegayaa dadweynoow waxa laydinku leeyahay codka noogu rida laakiin colaatama laydinkuma laha.”