Mujaahid Axmed Mire Oo Soo Saaray Qoraal Uu Kaga Hadlayo Xaaladda Dalka Iyo Kumiye & Waddani

0
1435

Muddo dheer maan soo gelin saxaafada . Somaalidu waxay tidhaahdaa  wax aanad hurayn horaa loo yeelaa. Markaan arkaay in wadankii meel adag maraaryo oo jiritaankisii daawaha  saaran yahay, ayay ila noqotay inaan dadkayga la wadaago maqaalkan. Sayid Cumar wuxuu yidhi waxaan ugu jeelahay inaan dadka wanaaga faro xumahana ka reebo, xaqana hadduu qadhadhyahay sheego oo cadeeyo.Muddo badan ayaan dalkayga dusha ka eegayey dhowaana waan tegay waxaan u kuurglay dhamman waxa ka jirra. Waxa ii muuqatay inaan caqligii wali ka korin qabyaalad qolo jeclaysi iyo qabiil ku duudsi walalkaa hadduu dad ugu wacan yahay oo ay weli tahay wax taagen oo dhaqan noqotay. Arintaasi  waxay iigu muuqatay in la mooday guul  lagu faaiiday amaba oo ay distoorkii dalka ku qoran tahay, xeer oodhana ay ka mudantahay. Horumarkiina hirdan beeleed iyo shakhsi naaxin ayaa loo bedelay oo dulmi badan ayaa arkay.

Caqligii ma korin laakiin cirro uun baa korodhay, dadkii wax uma kordhin wixii la soo maray waaba la ilaabay. Faan, islabax , isla waynan, iyo aniga iyo naftayda cid kalena waxba igama gelin iyo dhaqn burbur ayaan soo arkay. Dhaqaalihii dalka waxa loo isticmaalay sidii hantida shakhsiga ah oo waliba aan loo midan dayayn, kan ku soo dhowey kana cuna qabatay, labadan isku dir oo kala fogeyn been fidin iwm. Dadkii dabaqado xaaraan ku dhisan ayaa loo qaybiyey.

Cadaalladii geed dheer ayaa lagu laalay, nin kula qolo ah iyo hanti nin leh ayaa sharciga loogu hiiliyaa kan awood lihina wuxuu dadka ugu hanjabaa waan ku xidhi. Xaqii mee, sinaantii meeday haddii kan baahan ee taagta daran lagu tunto oo uu naxariis waayo meel uu u cararo wayo oo cidxaqiisa uu soo celisa uu waayo cadho Alle ayaynu halis u nahay.

Dib u eego maxaa shalayto laga dagaalamay? Ma xoog baa lagu jebiyey? Libta yaa bixiya? il owshiiya dhowaa ma umul baa! Xorayntii  ma iskaa ka kicis bay ahayd mise iska kacsi wixii aad shalay ka cabanaysay hadaad maanta ku faanto ma ceebaa misa waa guul haddii aad bara dheeraysidna maxay muujinaysaa in wixii laga dagaalamayeye aad wanaag u haysatay oo aad tiignaysay maruun taas oo kale samee ee aanad u haysan xumo ay waajib tahay inaad umada ka badbaadisid ubadka dambana dhaxal wanaagsan uga tagtid.

Waxba yuu hadalku ila durkini waxaan ku soo uurinayaa. Maanta jeegaan qabiil oo horay dad loogu dulmay in dib loo soo celiyaa inama dhaqayso qarana ku dhismi maayo. Taariikhdu ma lunto, raggana waa rag rifena yeelkii. Qabiil waxa magansada nin aan istaagi karayn.

Waxa ina soo maray waxyaalo u qaadan waa ah oo lagu celcliyo wax qaran dumis ah oo aan faaiido u lahayn qaranka Somaliland. Ninkii doonaya in lagu kala tagana Kulmiye ha taagero. Ninkii dadkiisa iyo dalkiisa dani ka haysana Waddani ha siiyo codkissa

Anigu inta aan noolahay waxaan u taaganhay badbaadala dalkayga horena waan u badbaadiyey markii ninwaliba gabaday taliyihii ciidamada SNM waan ku waayey laakiin ciidaydii baan hantay deyrkii laga baqayey baan jebiyeye oo burcaan hadh cad galay aniga iyo mujaahidiintii xaq u dirirka ahaa maalintaas ayuu Siyaad Bare jabay. iminkana aniga oo intii dalkaasi xoroobay aan xil ka qaban waxaan u taaganahay inaan badbaadiyo dalkayga iyo dadkaygaba sidii ay nabad iyo midnimo Somaliland ugu noolaan lahaayeena ka hawl galo..

Hogganka cusub ee kulmiye siddi uu ku sooo baxay ee jujubka iyo sharcidarrada ahayd waa idiin muuqataa, Maantane wuxuu taageerada ku raadinayaa jeegaan iyo kala qaybin. Maantana waxa la burburinayaa waa Somaliland. Waxaan idiinka digayaa waar dadkii qayb- qaybiyey SNM mujaahidiinteede oo isku dir, kala qoboqob iyo naxliga dhex dhigay oo  horseed u noqday dagaalkii sokeeye oo dad badan ku dhintay iyagoo maamul diid ah kuwaasi oo qabyaaladii iyo kala qaybintii ku macaashay ururkii SNM baabiyey maamuladii horena ragaadiyey hantidii ummadana boobay oo maantana sidii hore iyo mid ka xun ku wada dalka ha laga feejignaado maantane waxay wadaan in la baabiyo Somaliliand.

Waxa aynu haysanaa waa nabadgelyo inaynu ilaashanaa waa waajib. Waxaan leeyahay hoggaan dhaqameedka nabad baa la idiin doortay ee colaad ha ku bedelina inta ku talaabsataana xag illaahay iyo ummadaba way ka dhaceen. Culimaudiinka waxaan leeyahay waar xaqa u kaca oo fitnada ka hor taga.mujaahidiintii horena waxaan waxaan leeyayhay waar toosa oo xaqa sheega oo dalku yuu indhihiina ku hor burburin. Dadka inta damiirkoodu noolyahay guntiga xidha nabada iyo qarankiina ilaashada.

Madaxweyne Silaanyana waxaan leeyahay rasuulkii waxyigu ku socday ayaa lala hadli jiray oo la toosin jiray qof aan qaldamiina  ma jiro,waad qaldantay markaad Muuse Bixii wadankii dusha ka saartay oo aad ku adkaysatay. Maantana weli adiga ayaa xilka dalku saaranyahay, wixii dalka ka dhaca adigaa ka masuul ah. Waxaan kuu sheegaya, shacbigana ku baraarujinayaa dalka u tudha. Amba Waxaad taageeri doontaa jeeganta wasiirkaaga madaxtooyadu soo dhisay ama waxaad taageeri dimmuqraadiyada qof walba hal cod iyo doorasho xor ah oo xalaal ah wadankana isaga oo mid ah ka tag oo taariikh wanaagsan ku tag.Muddo kooban baa inoo hadhay taariikhduna way qori.

Muj. Axmed Mire