Mugabe: Madaxweyne Axadda Beri U Dabaal Degaya Sannad-guuradii 90aad Ee Dhalashadiisa

0
504

Picture3Harare(Geeska/W.Wararka)-Madaxweynaha wadanka Zimbabwe Mr. Robert Mugabe, ayaa Axadda beri u dabaal degaya sannad guurada 90aad ee ka soo wareegtay dhalashadiisii, oo ku beegnayd jimcihii shalay.

Waxa magaalada Harare lagu qaban doonaa xaflad balaadhan oo uu Madaxweynuhu ku dabaal degayo, waxaana lagu qiyaasayaa inay munaasibadaas ku bixi doonto 1 milyan oo dollar. Waa lacag aad u badan marka loo eego xaaladda dhaqaale ee uu wadankiisu ku suganyahay, iyadoo ay dalkaas Zimbabwe ka jirto dhaqaale xumo iyo sicir barar saameeyay nolosha bulshada.

Madaxweyne Robert Mugabe, sannadkii hore ayuu mar kale ku guulaystay doorasho uu wadankiisa ka qabtay, waxaanu dalkaas ka talinayay muddo dheer.