Muddo Badan Oo Ay Madax Xanuun Joogto Ah Qabtay Kadib, Ayaa Madaxeeda Laga Soo Saaray Baranbaro Nool

0
958

Delhi (Geeska)- Koox dhakhaatiirta dalka Hindiya ka mid ah ayaa amakaag iyo u qaadan waa ay ku noqotay markii ay baranbaro yar oo nool ay ka dhex heleen maskaxda gabadh muddo dheer madax xanuun ka cabanaysay.

Haweenay 42sanojir ah oo u dhalatay dalka Hindiya ayaa muddo dheer oo ay u adkaysanaysay kadib tagtay cisbitaalka, gaar ahaan markii ay dareentay in madax xanuunkeeda uu wehelinayo xoqniin gudaha ah iyo dareen sida irbadda oo kale ah oo xanuun badan, mararka qaarkoodna isku arkaysay neefsiga oo ku adkaanaya. Baadhitaannadii cisbitaalka oo uu ka mid ahaa baadhitaan sawirka kombiyuutarka ah ayaa ay dhakhaatiirtu ka arkeen walax aan maskaxda ka mid ahayn oo maskaxda dhex joogta, gaar ahaan waxa ay arkeen wax ula ekaaday lugo noole.

Shabakadda wararka ee CNN oo baahisay warkan uu Geeska Afrika turjumay ayaa dhakhtar lagu magacaabo Shankar oo ku takhasusay sanka, dhegaha iyo dhuunta kana hawlgala cisbitaalka Stanley ee dalka Hindiya ka soo xigatay, “Ma’aanu awoodin in aanu sawirka ka garanno, noolaha noo muuqday baranbaro iyo xasharaad kale midka uu yahay, laakiin mid kasta oo uuyahay waxaa qasab ahayd in dhaqso loo soo saaro”

Qalniin 45 Daqiiqo qaatay ayaa ay dhakhaatiirta cisbitaalku ku guulaysteen in ay madaxa gabadhan ka soo saaraan baranbaro nool oo ay sheegeen in ay ku jirtay meel ku beegan labada indhood dhexdooda oo gudaha maskaxda ah. Iyaga oo sheegay in sida ay u muuqato ay baranbaradani gabadha sank aka gashay, haddii ay muddo intaa ka badan isku sii eeegi lahaydna ay suurtogal ahayd in ay baranbaradu gudaha maskaxda ku dhimato, kadibna ay sababto caabuq iyo dheecaan maskaxda gala. Dr. Shankar ayaa sheegay in ay tahay xaaladdii nooceeda ugu horreysay ee uu arkay muddadii uu caafimaadka ku dhex jiray oo 30 sano ah.