Mudane Madaxwayne Gobolka Sanaag Guddi Xaqiiqo Raadis Ah U Soo Dir

0
736

Mudane madaxwayne waxaanu kugu hanbalyaynaynaa inaad gebi ahaanba meesha ka saartay habkii qabiiliga ku fadhiyey ee badhaasabada loo magacaabi jiray, hanbalyadaa kadib nasiib xumo samigii gobolka sanaag aad ayuu u xumaaday waxaadna usoo magacawday badhasaab dadka aan cadaalad usamaynaynay kana amar qaata moyerka magaalad ceergaabo oo ku caanbaxay kala qaybinta bulshada magaalada ceergaabo.

Mudane madaxayne waxa badhtamaha magaalada lagu dilay weriye ka hawl gala shebekada qaarkood, waxana dilay inamo moyerku adeer u yahay markii la xidhay inamadii falka gaysatay waxa si badheedh ah usoo dayey moyerka magaalada iyadoo badhasaabkii joogo waxa tallaabo ah muu qaadin.

Mudane madaxwayne moyerka magaalada ayaa xidh xidhay inkabadan 50 oday oo uu cadho u qabay ahayd inay u codeeyeen xisbiga kulmiye dorashadii degaanka, isagoo ka aargoosanaya oo ku leh idinkoo aynu isku qabiil nahay ayaad u codayseen xisbi cadaw igu ah, isagoo dhica kalena la qoslaya ama soo dhawaynaya haduu arko madaxwaynaha oo gobolka imanaya si uu uga badbaado awoodda dawlada amaba uu ugu maakhireeyo, badhasaabka gobolku wuu daawaynayey markii uu arintaas samaynyey.

Mudane madaxwayne Badhasaabka gobolku ma qaadi karo talaabo aan moyerka magaaladu kasoo eegin ama aanu kala tashan, arinta aanu ka raalida ahayna ma samayn karo, ma xidhi karo qof denbi galay oo moyerku doonayo inaan la xidhin.

Mudane madaxwayne waxaanu la kulanay cadaadis ka yimi xaqa dawladda isagoo naloo adegsanayo badhsaabka gobolka.

Mudane madaxwayne waxaanu kaa codsanaynaa inaad arrintas six or ah u eegto oo aad adigu xaqiiq raadiyaal u dirto magaalada ceergaabo dabadeed aad qaadato go’aanka ugu haboon ee nin hogaamiye ahi qaadan karo.

Mudane madaxayne waxaanu ku rajo waynayhay inaad soo dayn doonto odayo ilaa bil u xidhan Moyerka magaalad oo ku jira xabsiga magaalada ceergaabo oo qaarkood dhiig kar qabaan oo weliba ay ku jiraan Suldaan biri magaydo ah oo ay xaraantay in la xidho.

Allaa MAHADLEH

Dhallinyarada Beesha Jibriil Tuurwaa EE Muse Ismaacil.

1)    Ali Jibriil Xaamud

2)    Yaasin Faarah Ali

3)    Sahal Ali Hirsi

4)    Su;aad Salah Xaji Xuseen

5)    Sahra Siciid Jama

6)    Khaalid Yusuf Cismaan

7)    Mohamud Xirsi Farah

8)    Xasan Xuseen Cige

9)    Sharmaake Farah ALI

10)                       Siciid Salax Moxamed