Mudalab Aadame-La-Mood Ah Ayaa Pizza-Da Kaa Iibinaya Dalka Baakistaan

0
836

Islamabad (Geeska)-  Raabica, Aani iyo Jiini waa saddex Aadame-la-mood oo ka shaqeeya hudheel cunto oo ku yaalla magaalada Maltaan ee dalka Baakistaan. Waxa ay qaabilsan yihiin in ay macaamiisha Biisada (Pizza) cunaysa u adeegaan. Xamiid Bashiir oo ka mid ah macaamiisha jecel cuntada hudheelkan oo hudheelkan u fadhiya in uu cunto ka guddoomo Aadame la-moodkan ayaa mar uu warbaahinta la hadlay waxa uu yidhi, “Waa nooc cusub oo adeeg, waa arrin cusub oo weliba carruurta maaweelo fiican u noqota”

Arrintan hindisaheeda waxaa iska lahaa Injineer dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Usaama Jacfari oo ah ninka iska leh hudheelkan lagu magacaabo Pizza.com, mar uu ka hadlayna waxa uu sheegay in qalabka sida aadamaha u shaqaynayaa uu hudheelkiisa macaamiil aad u badan u soo jiiday.

Jacfari wawxa uu dhigtay jaamacadda qaranka ee Sayniska iyo tiknaalajiyadda ee dalka Baakistaan, waxa aanu sheegay in uu fikirkan ka keenay hudheello ku yaalla dalka Shiinaha, nasqadaynta iyo farsamaynta aadame-la-moodkana (Robot) ay kaga baxday lacag dhan 5000 oo lacagta midowga Yurub ee Yuuro ah. Jacfari oo ka hadlayey sida ay dadku u arkeen tallaabadan ayaa yidhi, “Dadku waxa ay u soo dhoweeyeen si aan la malayn karin, waa ay jeclaadeen fikirkan” Jacfari waxa uu hadda ku hawlan yahay farsamaynta jiilkii labaad ee mudalabiin Aadame la-mood ah, kuwaas oo uu doonayo in uu ka hawlgeliyo hudheel qoyskoodu ku leeyahay magaalada Xaydar-abaad ee dalka Baakistan.