Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Heshiiska Dekedda Oo Shalay Berbera Ka Dhacay

0
601

Berbera(Geeska)-Subaxnimadii hore ee shalay waxa magaalada Berbera loogu soo toosay mudaharaad salmi ah oo taayiro lagu gubay jidadka magaalada. Taayiradan ayaa la gubay iyadoo ay dabaysha xagaaga oo xoog badani dhacayso.

1

Mudaharaadka ayaa lagaga soo horjeeday wareejinta dekedda Berbera, waxaanu mudaharaadku ku soo beegmay iyadoo ay Berbera joogaan wefti ka socda shirkadda DP world oo qiimaynaya xaaladda dekedda Berbera.

Taayiro tiro badan ayaa lagu gubay jidadka, kuwaas oo muujinaya sida ay reer Berbera uga soo horjeedaan heshiiskan.

Geesta kale, waxa iyaguna qaar ka mid ah jidadka magaalada isugu soo baxay haween iyo dhallinyaro ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah heshiiska DP world ee dekedda Berbera, kuwaas oo raxan raxan  u socday islamarkaana muujinayay inaanay reer Berbera raali ka ahayn heshiiskaas. Dumarkan iyo carruurtan ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah heshiiska Somaliland iyo DP world.

Ciidamada Booliska ayaa nadiifiyay jidadkii magaalada, iyagoo ka guray taayiradii lagu gubay oo ay biyo ku bakhtiiyeen.

Gudoomiyaha gobolka saaxil Jaamac Yuusuf Axmed ayaa BBC si kooban ugu sheegay in laba meelood taayiradaasi lagu gubay saaka balse markiiba ay bakhtiiyeen ciidamada boliiska iyo dab-damiska.

Faah-faahin kale ma uusan bixinin gudoomiyuhu, wuxuuse qiray in dhawr qof loo xiray taayiradaasi lagu gubay magaalada berbera saaka.

BBC oo weydiisay gudoomiyaha waxa ka jira in taayiradan la gubay uu yahay banaanbax lagaga soo horjeedo injineero ka socda shirikadda Dubai Ports World oo jooga oo la wareegaya dekedda berbera?, wuxuu ka gaabsaday gudoomiyaha gobolka saaxil in injineeradaasi indha-indhayn uun u socdaan.

BBC ayaa sheegtay in warar madax banaani sheegayaan in taayiradan la gubay ay yihiin nooc cabasho ah oo dadka qaarkood ku diidanyihiin heshiiska xukumadda iyo Shirikadda Dubai Ports World ee dekedda Berbera.