Mucaaradka Iyo Xukuumada Suuriya Oo Isku Weeraray Shirka Geneva Uga Furmay

0
965

222Waxaa Switzerland ka furmay shirka nabadda Suuriya iyadoo xoghaya guud ee Qaramada Midoobay sheegay in arrintaas ay kala qeybisay dadka reer Suuriya iyo dunidaba.Dowladda Suuriya iyo mucaaradka ayaa is weydaarsaday hadallo kulul.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Suuriya Waliid al-Mucallim ayaa waddamada qaar oo shirka fadhiyay ku eedeyay inay taageeraan argagixisada ay la dagaallamayso dowladdisu.Hoggaamiyaha mucaaradka Axmad al-Jarba ayaa dowladda madaxweyne Bashar Al-Asad ku eedeeyay inay gaysatay xasuuq.

Shirka ayaa ku soo beegmay iyadoo Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ay si naxdin leh uga jawaabay warbixin ku eedeynaysa dowladda Suuriya inay jidh dil ay u dhinteen u gaysatay dad gaadhaya 11,000 oo ruux.

Maraykanka ayaa sheegay in warbixintan ay muujinaysa siday muhiim u tahay in xukunka laga tuuro dowladda madaxweyne Bashar Al-Asad.Afhayeen u hadlay Suuriya ayaa sheegay in warbixinta aan lagu kalsoonaan karin iyadoo ay maalgelisay dowlada Qatar oo taagerta mucaaradka.Warbixintan ayaa soo baxday hal maalin uun ka hor shirka nabadda ee Suuriya ee ka dhacaya dalka Switzerland.

Shirkan ayaa loo arkaa inuu yahay dadaalkii diblomaasiyadeed ee ugu weynaa ee wax lagaga qabanaayo dagaalka Suuriya tan iyo markii uu billaabmay kacdoonka ka dhacay dalkaas.Wadaxajoodka nabada ee Suuriya ayaa muddo dheer la sugayay.

Xukuumadda iyo mucaaradka Suuriya ayaa labaduba xubno matalaya u dirsaday wadaxaajoodka.Waxaa uu noqonayaa kii ugu horreeyay ee ay si fool ka fool ah isugu hor fadhiistaan tan iyo markii ay billaabatay colaadda Suuriya saddex sano ka hor.