MOSSAD Waxa Ay Si Toos Ah U Khaarajiso Dad Tiradoodu Ka Badan Tahay 3 Kun Oo Badankoodu Ka Soo Jeeda Dalal Carbeed

50
3328


Talaabiib (Geeska)- Warfidiyeen Yuhuudi ah oo lagu magacaabo Ronin Birjmaan ayaa dhowaan soo saaray buug uu kaga hadlayo xogo muddo dheer uu ururinayey oo la xidhiidha wakaaladda sirdoonka Israa’iil ee MOSSAD. Buuggan cusub oo lagu magacaabo, ‘Dagaalka daahsoon … Israa’iil iyo hawlgallada dilka qarsoon ah ee MOSSAD’ waxa saxafigu ku soo bandhigay dilalka qarsoon ee ay MOSSAD fulisay 70 kii sano ee ay jirtay, waxa aanu hoosta ka xariiqay in marar badan ay dishay dad beri ahaa oo ay u qaadatay cadowgii ay raadianysay.
Majaladda Der Spiegel ee ka soo baxda dalka Jarmalka ayaa qortay in Birjmaan oo ka warramaya arrimahan uu buuggiisa ku qoray uu yidhi, “Si guud marka loo eego waxa aynu ka hadlaynaa [In la dilay] waa in la dilay dad aan ka yarayn 3 kun oo qof. Dadkii la beegsanayey oo keliya ma’aha, laakiin qaar badan oo ka mid ah, ayaa ahaa dad beri ah, oo waqti qaldan goob qaldan ku beegmay”
Birjmaal waxa uu sheegay in muddadii uu waday cilmibaadhista buuggiisan, uu la kulmay dad ka badan kun qof, oo ay ku jiraan Lix agaasme oo hore madax uga soo noqday wakaaladda MOSSAD, iyo lix raysalwasaare oo hore u soo hoggaamiyey Israa’iil, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen raysalwasaareyaasha ugu caansanaa illaa hadda inta nool ee ay ka mid yihiin Ehuud Baaraak, Ehuud Olmert iyo raysalwasaaraha hadda Benyaamiin Netanyaahu.
MOSSAD oo caadi ahaan lagu magacaabo ‘Maxadka rayi ururinta iyo hawlgallada gaarka ah’ ayaa hore fadeexad weyn kala kulmay dil sannadkii 1973 kii ay saraakiisha MOSSAD si goor habeennimo ah dileen wiil u dhashay dalka Marooko oo ka shaqaynayey maqaaxi ku taallay magaalada Lillehammer ee dalka Norway.
Hawlgalka ay MOSSAD ku khaarajisay wiilkan reer Marooko oo markaas la socday xaaskiisa oo Marooko u dhalatay, ayaa yimi kaddib markii MOSSAD ay heshay xog qaldan oo sheegay in wiilkani uu yahay halyeeygii reer Falastiin ee Xasan Salaama oo madax ka ahaa sirdoonka dibadda ee Falastiiniyiinta.
Buuggan oo toddobaakdii hore uun suuqyada kutubta adduunka ku biiray waxa uu qoraagu ku ku soo bandhigayaa in xilligii uu socday kacdoonkii labaad ee Falastiiniyiinta oo lagu magacaabo ‘Intifaadadii Labaad’ in MOSSAD ay hawlwadeennadeeda siisay amarro ah in la beegsado dadka loo malaynayo in ay kacdoonnada ku lug leeyihiin, gaar ahaan raggii xubnaha muhiimka ah ka ahaa ururka Xamaas.
Buuggan oo ka sheekanaya hawlgallo iyo dhacdooyin ay MOSSAD fulisay 70 ka sano ee ay jirtay oo ka soo bilaabmaya aasaaskii illaa deyrtii sannadkii ina dhaafay ee 2017 ka. Berjimaan waxa uu si faahfaahsan oo xiise gaar ah leh uga warramayaa hawlgalladaas iyo khaarajintaas iyo go’aamadii siyaasiga ahaa ee ka dambeeyey in la fuliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here