Mooganaanta Xukuumadda Iyo Xisbiga Kulmiye Iyo Miciyo Lisashadda Mucaaradka Ee Shirka Ballidhiig Cabdirisaaq Siciid Faarax (Cabdi Waraabe)

Published on Jun 15 2017 // Maqaalo

Anigoo ah siyaasi Cabdirisaaq Siciid Faarax (Cabdi Waraabe)  kuna magac dheer (indhacadde)ahna Xildhibaanada keydka ah ee Golaha Wakiiladda muddana masraxa siyaasada ka maqnaa kana mida taageerayaasha xisbiga kulmiye, waxa maanta igu kalifay in aan hadlo sababo dhawr ah oo ay ka mid yihiin sidan soo socota:

Markii aan arkay xaalada dalku marayo iyo loolanka doorashooyinka ee xisbiyada oo maraya halkii ugu adkayd waxaan ka adkaysan kari waayay in aan ka hadlo habacsanaanta, dayaca, wada socod la’aanta iyo jaahwareer ka dhexjira xisbiga kulmiye iyo xukuumadda  oo ay sabab u tahay tayo xumadda wasiirada dawlada qaarkood oo aan ehel u ahayn aqoona u lahayn(background) hogaaminta siyaasada oo aan odhan karo waa lagula kufay mararka qaarkoodna  aad is odhan karto ma badheedhbaa?

Waxa xusid mudan in Madaxweynaha hada joogaa ee Axmed Maxamed Maxamuud silanyo uu wax badan qabtay laga soo bilaaabo halgankii ilaa manta oo uu madaxweyne yahay (Legacy) ama taariikh fiicana uu ku leeyahay dalkan, jecelyahayna in xisbigiisu guulaysto marka uu ka tago xukunka sida madaxwyne kastaa jecelyahay, laakiin taa   waxa  aad moodaa in dadkii la shaqaynayay aanay sidaa u shaqaynayn oo wasiirada qaarkood ay si taa (opposite) ama ka soo horjeeda  u shaqaynayaan, soomalidu waxay tidhaahdaa far keliyi fool ma dhaqdo ama waxa kale oo hees somaliya ku jirtay “ Inkastoo nin geesiya raggu geeda leeyahay hadaan garabka lala qaban guri oodimaaye’’ haddii Silanyo aynu wada qirayno wanaagiisa lakiin (team) kiisu xun yahay waxay noqonysaa  halku dhegii heesta oo ah (Guri oodimaayee) macnaheeduna  noqonayo Kulmiye guri u oodimaayo ama waxba u qabaan karimaayo (legacy) giisii ama taariikhdiisii xisbiguna waxay noqonaysaa mid is dumisay iyadu ama (Self Destruction) ah Hal bacaad lagu lisay.

Waxa taa daliil u ah habka loo sameeyay (reshuffle)da ama isku shaandhayntii  xukuumadda dhawrkii jeer ee u danbeyay oo ka wada fajicisay dhamaan dadkii ay lexejecladu ka haysay xukuumada iyo xisbiga kulmiyeba kana cadhaysiisay taageerayaasha  lafdhabarta u ah guusha xisbiga kulmiye ee gobolka Hawd ama koonfurta hargeysa iyo bariga gobolka Togdher,waaxaanan  aaminsanahay in talada madaxweynaha aanay badan koodu ku iman ee ay ku timi tayo xumada wasiirada qaarkood iyo guracnaantooda oo aanay ehel u ahayn miisaamida  iyo isu dheelitirka hogaaminta siyaasada dawladda, Madaxweynuhuna aanu keligii samayn Karin ee ay tahay shaqo u baahan( team work) daacad u ah ilaalinta (legacy) ama taariikhda  xukuumada iyo xisbigaba, inkastoo oo wasiirka madaxtooyadu daacad yahay aadna u dadaalayo waxa aan shaki ku jirin in ay qalin daarayaan dad badan oo maangaab siyaasadeed ah oo ah wasiirada aan kor ku soo sheegay  ayna culays fara badan ku saaraan xulashada rakaabka xun ee ka muuqday isku shaandaymihii u danbeeyay.

Markaan si qoto dheer u dersay wasiirada xukuumada waxa kuu soo baxaysa inay u qaybsamaan sadex qaybood oo kala ah

1.wasiiro shaqoodii xukuumadeed ka adag  xisbigana ku xidhan oo ay lexejeclo ka hayso beelaha ay ka soo jeedaana wax  ka tari kara

2.wasiiro  shaqooda ka adag xisbigana aan ku xidhnayn wax lexejeclana aan ka qabin xisbiga beelaha ay ka soo jeedaana aan waxba ka tarin

3. iyo qaybta sadexaad oo ah qaybta ugu badan kuwaasoo ah wasiiro aan ku haboonayn shaqada wasiirnimo ee ay umadda u hayaan xisbigana aan wax haba yaraate xidhiidh ah la ahayn lexejeclana aanay ka haynin, beelaha ay ka soo jeedaana aan waxba ka tari Karin waxna ugu filnayn , badnaanshahooda oo khatar ku ah (Legacy) ga Madaxweynaha iyo guusha xisbiga oo isku xidhan waayo sharafta iyo taariikhda madaxweyne Silanyo waxay ku xidhan tahay guusha xisbiga iyo hogaamiyaha uu xushay waa muuse Biixi Cabdiye oo soo baxa ama guulaysta , waayo Madaxweynuhu waa asaasihii iyo odaygii xisbiga Kulmiye waana musdanbeedka iyo marjaca  xisbiga kulmiye.

Kala socodka xukuumada oo aan hore uga hadlay waxa ka marag kacay doodihii iyo dhacdadii ka dhacday shirkii golaha wasiirada ee ugu danbeeyay oo loo baahan yahay in mar walba go aan midaysan laga qaato xaalad kasta oo ku timaamada dalka

Taa waxa ka faa’iidaystay mucaradka oo ay dabada ka riixayaan  maalgelinayaana ganacsato degan wadamada jaarka kuna bixinaya malaayin dollar sidii ay u hanan lahaayeen ama uga soo  goosan  lahaayeen dadka ku abtirsada ama ku bahoobay xisbiga Kulmiye, shirka Balidhiigna uu daaran yahay sidaa oo ah sidii loola wareegi lahaa taageerayasha lafdhbarta uh guusha kulmiye ee bariga Togdher,  hadaan si deg deg ah wax looga qabana  kulmiye meeldheer ka dooni doono soona shidaalinayaan shakhsiyaad ganacsto ah oo maalqabeeno ah oo ku nool wadamada deriska oo hunguri weyni ka hayo in ay gacanta ku dhigaan mashaariic waaweyn oo ay ka mid yihiin isgaadhsiinta dalka oo ay haystaan ganacsato kale oo  la xulafo ah Kulmiye oo aad moodo in ay ka hurdaan oo ay moogan yihiin lana socon dagaalka socda.

 

TALLO BIXIN:

Xalkuna yahay in xukuumadda iyo xisbiguba ay dad tayo leh u magacaabaan wax ka qabashadda arintan

Wasiir Maxamud xaashi aad baan uixtiraamaa waana nin qalbi wanaagsan,run ahaantiina jecel in uu madaxweynuhu sharaf iyo maamuus ku sagootiyo qasriga madaxtooyada iyo hogaaminta dalka laakiin waxaad moodaa in ay arimuhu ku  balaadheen , waxana uu u baahan yahay in uu arimaha (priority)  mudnaan iyo muhiimad  u kala sameeyo oo aanu ku mashquulin waxyaaabo aan sidaa muhiim u ahayn madaama tartankii doorashadu jiro, oo uu samaysto Team adag  oo tayo leh oo karti iyo bisayl siyaasadeed u leh ololaha doorashada ee inagu soo wajahan xisbigana lexejeclo u haya oo ka kooban dhamaan beelaha taageera kulmiye  oo uu juhdi far badan geliyo arimaha xisbiga madaamaa uu yahay wasiirkii madaxtooyadda beritana noqon kara hogaamiyaha xisbiga.

Ganacsade ina Aw Siciid waxaan isna usoo jeedin lahaa talada ah in uu isna juhdi fara badan geliyo oo uu si dhaw ula socdo dagaaladda ganacsata wadamadda jaarka ee maalgelinaya mucaaradka kuna  hawlan sidii ay u ala wareegi lahaayeen una hantiyi lahaayeen ganacsiga uu hadda  gacanta kuhayo ee isgaadhsiinta iyo taageerayaasha kulmiye ee bariga Togdher, sida shirka balidhiig oo la filayo inuu qabsoomo marka bisha Ramadan baxdo shirkaasoo ay isugu imanayaan dhalinyarada bariga Togdher iyo qayb ka tirsan gobolka Sanaag  aadna xasaasi u ah loona baahan yahay in looga horeeyo xisbiyadda mucaaradka.

Qodobka labaad ee aan jecelahay in aan ka hadlo waa Siyaasadeena arimaha dibada oo aad u liidata waxa cad in aan hogaan aan ehel u ahayni uu gadhwadeen ka yahay ictiraafkeeniina u god ku dhacay meelaha laga raadinayano aanu ku jirin.

Taana waxaanu haynaa xalkeeda hadii talo nalaga waydiiyo, waxana ka mida aduunku wuxuu ku shaqeeyaa qoraal iyo sharci cadifad iyo laabla kac wax laguma helo ee waa inaad martaa waddada sharciga ah (Legal way) ee wax lagu helo Somaliland ilaa hada may marin waddadii sharciga ahayd ee ay ictiraaf ku heli lahayd ama (Legal procedure) sax ah,  aduunkuna ama beesha caalamkuna inagay ina fahmi la’ yihiin.

Dastuurkeena waxa ku jira laba qodob oo lidi ku ah qadiyadeena gooni isu taaga oo u baahan in labada gole u codeeyaan oo ka saaraan

Waxaanu cadayn karnaa in Somaliland aanay si sharciya ula midoobin Somaliya 1960kii,  sharciyana aanay  jirin midow UN ka Register garaysan.

Labadaa arimood ee aan kor ku soo sheegay iyo qaar kaloo badan oo aanan halkan ku sheegayn ayaanu haynaa oo suurto gelinaya in aynu noqono dal gooni u taagan sharciyan oo la aqoonsan yahay muddo gaaban haddii Illaahay Idmo.

q. sadexaad waa dad ajaaniba oo dalka sharci darro kaga shaqaysta iyadoo muwaadiniintii ama dhalinyaradii dalka u dhalatay ee jaamacadaha ka soo baxay ay shaqo la’ yihiin iyagoo shaqooyinkaa qaban kara ay ajanabigaasi qaateen shaqooyinkoodii cashuur sax ahna aan laga qaadin ,  halka wadamada aduunka ay mamnuuc tahay in nin ajnabi ahi ka shaqaysto wadamadooda oo markuu booqasho ku yimaado lagaga dhufto baasaboorka kama shaqayn kartid fiisaha ilaa uu process maro oo loo ogolaado.   wasaaradii ku shuqulka lahayd ee shaqada iyo arimaha bulshada ayaa ka gaabisay shaqadeedii in ay dabo gasho arimahaas.

Sidoo kale NGO yada iyo Shirkadaha ajnabiga ahi ay iyaguna ka dhex shaqaystaan dalka iyadoo NGO yadii iyo Shirkadihii muwaadiniinta ahaa ay shaqo la’ yihiin shaqooyinkaana ay qaban karaan.

Arintaana waa in wasaarada qorshayntu wax ka qabataa oo la mamnuucaa in ngo iyo shirkado  ajnabi ahi qataan mashaariicda deeq bixiyayaashu (donors) ku bixiyaan oo lagu qasbo in ay Ngo yada iyo shirkadaha muwaadiniita ah  ku tartansiiyaan dalka gudihiisa oo cida ku guulaysata ee muwaadin ah siiyaan, taasoo wax badan ka qaban lahayd shaqo la’aanta baahday ee dalka ka jirta iyo tahriibka dhalinyaradda iyo waliba iyadoo soo dedejin karta  ictiraafkeena marka la arko in aynu nahay dad soo jeeda oo dalkooda oo ka adag xukumida danaha dalkooda.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!