Moha Oo Soo Dhawaysay Doorashada WHO Ee Wasiirkii Hore Ee Khaarajiga Itoobiya

0
560

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyihii hore ee ururka saxafiyiinta Afrika ee JAR Drs. Moha Daahir Faarax Jire, ayaa sheegtay in WHO guddoonkooda u doorteen shakhsi ku haboon oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Dr. Tedros Adhanom.

Moha, ayaa qoraal ay soo saartay oo lagu baahiyay shabakadda wararka ee Walta ee dalka Itoobiya waxay ku sheegtay in qaaradda Afrika laga soo dhaweeyay doorashada Dr. Tedros Adhanom, waxaanay sheegtay in saxaafadu qayb muhiim ah ka qaadatay ololihii uu Dr. Tedros Adhanom u galay kursigan oo qaaradda Afrika u soo jiiday magac iyo sumcad. “Dadka taageeray Dr. Tedros Adhanom intii uu ku jiray ololaha waxay ogaayeen inuu qaaradda Afrika metelayay islamarkaana uu yahay shakhsi ku haboon madaxa u sareeya ee WHO si uu dib habayn balaadhan ugu sameeyo.”

Moha waxay sheegtay in doorashada Dr. Tedros  keeni karto in si dhab ah wax looga qabto siyaasadaha lagu horumarinayo caafimaadka Afrika.

Dr. Tedros Adhanom, Wasiirkii hore ee arrimaha debedda Ethiopia ayaa loo doortay inuu noqdo agaasimaha cusub ee hay’adda WHO.