Mo Farah Oo ka Waramay Waayihii Nololeed Ee Uu Ku Qaatay Dalkiisa Somaliland Iyo Safarkii Uu Ku Yimid UK.

Published on Jul 27 2016 // Ciyaaro, Columnists

moFarah0232010Orodyahanka Mo Farah oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland una orda waddanka Ingiriiska ayaa ka sheekeeyey noloshiisii carruurnimo, dagaal ay mar walba dhex mari jiray walaalkii Xasan, safarkii UK iyo arrimo kale oo ku xidhiidhsan noloshiisa wakhtigan iyo isbeddelka uu sameeyey.

Daily Mirror oo warkan qortay iyadoo soo xiganaysa Radio Times ayaa waxay hordhaca hadalkiisa ku bilowday: “Mo Farah waxa uu sheegay inuu ku soo koray fiqiirnimo u saamaxday inuu noqdo nin guulo ku gaadha orodka”

Orodyahankan ayaa tibaaxay in isaga iyo toddoba carruur ah oo ay walaalo ahaayeen ay ku noolaayeen guri yar, isla markaana ay dhamaantood seexan jireen qol yar oo cidhiidhi ah.

“Haddiiba aad hesho cunto aad afkaaga geliso, oo aad noolaato, way fiicnayd” sidaas ayuu yidhi Mo Farah oo ka sheekaynayey noloshii dhulka Somalida intii aanu ka dhoofin magaalada Muqdisho, waxaana isaga oo hadalkiisa sii wata uu yidhi: “Sidaas ayaa ba nolol wanaagsan ahayd, wax intaas ka badan oo la heli jirayna ma jirin. May jirin fursad kale.

“Markii Aan carruurta ahaa, maan haysan caruusadaha carruurtu ku ciyaarto, waxaanu ku ciyaari jirnay biyo-mareennada magaalada dhexdeeda, waxa aanu ku ciyaari jirnay wixii aanu haysano. Guriga aan ku koray aad ayuu u yaraa, siddeed ayaanu ahayn – dhamaantayo anagoo qaylinayna ayaanu qol wada seexan jirnay.”

Mo Farah waxa uu noloshiisaa adag barbar dhigay nolosha wakhtigan ee qaniga ah, waxaanu yidhi: “Haddii aad eegto halka aan hadda ku noolahay, farqi weyn ayaa jira aadna waan ugu faraxsahay, sababtoo ah, waxaan dadka tusi karaa in haddii aan aad u shaqeeyo inaan guuleysanayo.”

Mo Farah da’diisu waxay ahayd siddeed jir markii uu tegay London isagoo ay wehelinayaan waalidkii, laakiin waxa ay kala lumen mataankiisii Xasan, isaguna aad ayuu ugu xanuunsaday safarka. In ka badan toban sannadoodna ismay arag.

Mo Farah oo ka sheekaynaya arrintan xanunka badan waxa uu yidhi: “Intii uu socday dagaalkii sokeeye, qof waliba wuu qaxay isaguna meel uu tegay waanu weynay (wuu naga lumay). Markii ay hooyo dib ugu noqotay dalkii ayey soo heshay.” Sidaas ayuu yidhi.

Orodyahankan oo ay da’diisu tahay 33 jir, waxa uu sheegay in guulaha uu hadda gaadhay aanu gaadhi lahayn haddii mataankiisu la joogi lahaa, waxaanu yidhi: “Wax walba sabab ayey u dhacaan, mana jirto wax aan ugu noqdo wixii tegay, laakkiin ma hubo in aan gaadhi lahaa guulo badan haddii Xasan uu halkan joogi lahaa, sabaabtoo ah waxaanu ku dedaali jirnay in aanu is-xaasidno.

“Wuxuu ahaa mid qallafsan, marka uu wax igu yidhaahdo, intaan istaaago ayaan la dagaallami jiray. Waxay ahayd nolol khilaaf ah.”

Mo Farah ugu dambayntii waxa uu sheegay in guushii toddobaadkan uu ka gaadhay ciyaarihii London, in ay u noqon doonaan dhiirigelin uu guul kaga gaadho tartanka ciyaaraha Olympics-ka ee lagu qabanayo magaalada Rio de Janeiro toddobaad kadib.

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!