Milicsiga Wargeyska Madaxweyne; Maxaa Kaa Iilaahiya?

0
535

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo muddo xileedkii labaad ee loo kordhiyay ay ka hadhsanyihiin dhawr bilood, ayaa wuxuu markii ugu horreysay kulan wada jir ah la yeeshay saddexda hay’adood ee hanti-dhawrka guud ee qaranka, xeer ilaalinta iyo guddiga maamul wanaaga isaga oo kala hadlaya arrimaha maamulwanaagga iyo musuqmaasuqa.

Madaxtooyadu waxay nuxurka kulankaas ku sheegtay sidii ay hay’adahani uga wada shaqayn lahaayeen ka hortagga, daba-galka iyo xakamaynta lunsiga iyo ku tagrifalka hantida qaranka. Madaxweynuhu wuxuu si addag u faray in Hay’ad walba ay masuuliyadada qaranka u hayso uga soo baxdo sidii ay tahay.

Marka koowaad; inkastoo ay tahay talaabo uu madaxweynuhu la daahay, haddana ugu yaraan waa muhiim in la soo dhaweeyo in madaxweynaha ay afkiisa ka soo  baxdo inay ka go’antahay inuu la dagaalamo musuqmaasuqa iyo boobka hantida umadda. Inkastoo ay bulshadu  isweydiisay sababta madaxweynuhu bilihii u dambeeyay u leeyahay musuq ayaan la dagaalamayaa, haddana si  guud hadalada madaxweynuhu waa kuwo muhiim ah oo bulshadu u sacabo tuntay.

Hadal keliya oo warbaahinta la mariyaa ma’ bogsiinayo boogta, waxa aana madaxweynaha looga fadhiyaa in uu ereyadiisa qiimaha badnaa ku rumeeyo ficil oo uu umaddiisa tuso in ugu yaraan bilaha u dambeeya xukunkiisa uu daacad ka yahay la dagaalanka musuq-maasuqa oo ah aafo.

Mudane madaxweyne; waxa jira eeddo musuq-maasuq oo ay siyaasiyiinta mucaaradka ahi u jeediyaan xukuumaddaada iyo dad gaar ah oo kugu xeeran, welina lama arag adiga oo eedaymahaas musuqmaasuq iska difaacaya, waana sababaha keenay in shacab badani wax iska weydiiyaan jiritaanka taariikhdaada aad sheegatay ee ah inaad ku caan baxday la dagaalaanka musuq-maasuqa iyo maamul xumada.

Madaxweyne, haddaba haddii aad maanta go’aamisay inaad kalsoonidaada siiso hay’adahan qaranka u qaabilsan la dagaalanka musuqa iyo ilaalinta hantida qaranka, lagana yaabo inaad dareentay amaba ay ku soo gaadheen tuhuno meelo gaar ah galay oo wax is daba marin iyo maamul xumo, waxa muhiim ah oo lagaa sugayaa inaad kaga dhabayso go’aankaagaas oo shacabku arkaan talaabooyin ficil ah.

Si loo aamino hadaladaada oo madaxweyne loo arko kuwo aan siyaasadi wehelin, waxa madaxweyne iyadoo ay shacabku ku garab taaganyihiin lagaa filayaa ficil, intase ka horaysa ee la arkayo iyadoo la xoojiyay isla xisaabtanka iyo ilaalinta hantida qaranka, madaxweyne waxaa ku hortaaalla is weydiinta ah, maxaanu kugu aaminnaa.?