Milicsiga Wargeyska Faashilka Diblomaasiyadii Nabadaynta Ee Danjire Keating

25
2752

Maalinimadii Axadii ee 13 May, waxa Hargeysa socdaal ku yimid ergayga Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya danjire Mcheal Keating, waxaanu kulan la yeeshay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Danjire Keating wuxuu saxaafadda u sheegay in qasdiga ugu weyn ee uu Hargeysa u yimid yahay sidii loo qaboojin lahaa xiisadda Tukaraq ee u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland, isagoo xusay inay Madaxweyne Biixi ka wada hadleen sidii xaaladda loo dejin lahaa.

Isla lugtaas, wuxuu Mr. Keating ku soo maray magaalada Garowe ee Puntland oo uu kulan kula soo yeeshay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Wuxuu ergaygu sheegay inuu Mr. Gaas kala soo hadlay xiisada Tukaraq oo aanu maalmahaas dagaal ka dhicin, isagoo xusay in Qaramada Midoobay ka walaacsantahay isku dhac ciidan oo dhex mara Somaliland iyo maamulka Puntland.

Hase yeeshee laba maalmood ka dib socdaaladaas uu diblomaasigan Ingiriis ee Qaramada Midoobey ka ahi isaga dab qaaday Hargeysa iyo Garowe, waxa Salaasadii 15 May ka dhacay Tukaraq dagaalkii ugu cuslaa ee uu ka dhasho khasaarihii inta la ogyahay muddooyinkan dambe ka dhex dhaca Somaliland iyo Puntland. Khasaaraha ayaa isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac dadweyne.

Waxa cad in dedaaladii diblomaasiyadeed ee danjire Micheal Keating ay guuldaraysteen, iyada oo uu dagaalku bilaabmay isaga oo aan sii maqnayn 12 saacadood. Waxaa iyaduna yaab noqotay in markii uu dagaalkii dhacay khasaarihiina batay, uu ergayga Qaramada Midoobay isku koobay in uu soo saaro baaq nabadeed, isagoo jooga magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.  Arrintaas ayaa diblumaasi ahaan mar kale ahayd fashilaad ku timid dadaalka mudane Keating oo laga filayey in markii xabaddu dhuunta ka baxday uu degdeg ugu soo noqdo Somaliland ama Puntland , si uu uga hawlgalo xabbad joojinta iyo ka hortagga in ugu yaraan khasaare dheeraad ahi dhaco.

Waxa ay dad badani aad ula yaabeen sida uu u fashilmay dedaalka diblomaasiyadeed ee uu ergayga Qaramada Midoobay u yimid Somaliland iyo Puntland kaas oo ahaa daminta xiisadda Tukaraq.

In Mr. Keating ku guuldaraysto hawgalkii uu u socday ee ahaa inuu ka hortago dagaal Tukaraq ka dhaca, waxa ay dadka siyaasadda falanqeeya aaaminsanyihiin inay sabab u tahay sida aanu ergaygan iyo Qaramada Midoobay toona xidhiidh siyaasadeed oo saamayn adag leh  ula lahayn Somaliland iyo Puntland, Xooggoodana isugu geeyeen dawladda Muqdisho.

Waxa kale oo faashilkan ergayga Qaramada Midoobay wax laga saarayaa, inaanu runta u kala sheegin labada dhinac ee uu labadaba kula hadlay af diblomaasiyadeed. Ergayga ayay tahay inuu xaqiiqada waajaho oo uu si rasmi ah ula hadlo cidda wada gardarada iyo weerarka.

Qodob kale ayaa isna jira oo sabab u noqday faashilka danjire Keating, kaas oo ah inuu la soo daahay dedaalka uu ku doonayay  inaanu dagaal dambe ka dhicin Tukaraq, taas oo laga garan karo wakhtiga uu dagaalku dhacay oo ahaa saacado ka dib markii uu Hargeysa iyo Garowe isaga dab qaaday.

Si kastaba ha ahaate danjire Micheal Keating iyo guud ahaan Qaramada Midoobay way ku fashilmeen daminta iyo joojinta dagaalka Tukaraq, waxaanu ergayga Qaramada Midoobay madax wareerkii ku habsaday ula cararay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya. 

Hase yeeshee waxa weli u banaan Qaramada Midoobay fursad labaad oo ay ku demin karaan dagaal mar kale dhex mara Somaliland iyo Puntland. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo golihiisa wasiirada ayaa shalay Garowe ka sheegay in Puntland u diyaar garoobayso dagaal dheer oo ay ku soo qaadayso Somaliland.

Waxa muhiima in danjire Keating oo ay dhawr bilood uga hadheen xilkiisa, uu hadda uun ka hortago dagaal mar kale ka qarxa jiidda tukaraq oo sababi kara khasaare intii hore ka balaadhan, lagana yaabo inuu markan ku faafo deegaano kale oo hadda nabdoon.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here