Milicsiga Waraysi Uu 1994 Dr. Maxamed-Rashiid Ka Qaaday General Maxamed Faarax Caydiid

1
1038

Anigu markaan dawlada Itoobiya la xidhiidhay ee qoraal u sameeyay aan idhi dalkayagu khatarbuu ku sugan yahay dadweynahayagiina way halgamayaan,waxaan doonayaa in ururka USC iyo ururadaas oo aan isku gaynayno inaan gudaha u rarno oo USC shirkeedii oo dib u dhacay aanu gudaha ku qaban karno,maadaama oo shirkii hore ee aaasaasku mid fiican-aanu ahayn,Itoobiya casuumad ayay iiso fidisay Addis Ababa ayaan imi SNM ayaan la kulamay waftigii aan anigu aan calaamadsaday qaarkood ayaa ii’yimi oo ururada ka koobnaa,qoraal-baan u fadhiistay waxaanan sameeyay markaas qaabkii dib u habaynta ururka USC, waxaanan wargeliyay qoladii madaxda ka ahayd ee reer Rooma,markii hore waabay is hortaageen qaarkood inay ka soo mid noqdaan waftiga,hayeeshee anigu hore ayaan ula tashaday tageerayaashii qaaradaha,kuwii gudaha ayaan la tashaday,taageerayaashii USC ee laakiin hore uga tirsanaan jiray jabhadaha kale ayaan la-tashaday,go’aan waxaanu ku gaadhanay in gudaha ururka aan u rarno oo shirka lagu qabto mustaxiil,inaan ku casuuno dhamaan dadkii halkaas.

Laakiin madaxdii hore u jirtay USC ee Rooma oo uu ka mid ahaa alle hawnaxariistee Cali Wardhiiglay,Cali Hagaray,nin Cilmi Sharmarke la yidhaahdo iyo Xaashi Nuur Aw-Diini ragaasbaa markaas oo ahaa shanta gudida hogaaminaysay,Sharmaarke isagu waa uu jeclaa inuu yimaado,laakiin inta kale waa ay diideen inay ka soo qayb-galaan,waxaabay igula taliyeen In aanan Itoobiya aadin aqoonsina aanan u waydiin ururka iyo saldhig iyo waxba toona,laakii anigu arintii waan ku guulaystay arintii,waana layga aqbalay,markaas waxaanu u ruqaansanay dhamaan taageerayashii jabhadaha iyo intii soo fakatay ee ciidamada ahaydba Baligudbadle, oo markaas uun uu ka socday shirkii lixaad ee SNM,shirkaas khudbada ayaan ka jeediyay waxaan soo jeediyay daladii ururada SNM,USC iyo SPM in la-mideeyo,halkaasna aad ayaa loogu riyaaqay.

Waxaanu isugu tagnay Mustaxiil, waxaanan halkaas ku qabanay USC shir weynaheedii labaad oo qaaradaha iyo gudahaba laga yimi,halkaas waxaan ku guulaysanay in uu ururkii dhismo,waxaanan ku guulaystay inay ciidamadii dhismaan oo aan jabhadii dib u habayn ku sameeyo,aniga  halkaas waxa laygu doortay gudoomiye. Markaas ayaanu hadana magacawnay sadexdayada ururba gudi ka shaqeeya midayntii, gudigiina waxa uu ku guulaystay inuu daladii diyaariyo,waxaanu isugunimi bishii October Diridhaba halkaas ayaanu kaga dhawaaqnay daladii anaga oo midaynay siyaasadii ururada iyo awood ciidan oo iskaashi ku shaqaynaysa,waajibaad ayaanu kala qaadnay,  SNM waxay u  heshay waajibaad inay waqooyi  sidii ay awalba halganka ugu jirtay inay u xorayso,labadayada ururna waxaanu waajib u helnay xoraynta koonfur sidaas ayaanu si dhaqso-badan oo xawli ah ugu soo galnay dagaalkii,mudo sadex bilood gudahood ahana waataanu ku xoraynay gobalada dhexe,Xamar ayaanu u sii gudubnay.

Nimankan leh ururkii ninkaas ayaa afduubay, ma jirin afduube, aniga waxa lay doortay si dimuqraadiya taladana waxa iska lahaa dadweynaha iyo taageerayaasha dibad iyo gudaba, iyagu laakiin waxa hoosta ugu jiray oo qaarkood ragaas Rooma joogay waxay ka tirsanaayeen kooxdii Manifesto ee Maxamed Siyaad kula shurkowday,inay xukunka la qaybsadaan, waanad ogaydeen oo way la-qaybsadeen, oo afar maalmood ka hor markii aanu duminay rajiimkii Afweyne waa-kuwii dhisay dawladii Cumar Carte hogaaminaayay,waatay-hadana xukunkii boobeen oo ay kaligood isku magacaabeen, oo ay caqabado iyo dhibaatooyin farobadan ku abuureen  halgankii iyo dadkii soo halgamay,markaas waxii taariikh ah waad la socotaan oo uma baahana inaan ku celceliyo,hada oo nabad iyo dib u shehiisiin la galay oo hada looma baahana inaan arimahaas ka taariikheeyo,ha yeeshee runtii may ahayn afduube waxaan ku socday rabitaanka dadka,waxaana markhaati ka ah xataa markii Xamar aanu ka saarnay Rajiimkii ee aanu duminay,Julay 1991-dii mar labaad ayaanu qabnay shirweyne lagu midaynaayay USC,shirweynahaas 82%  ayaan anigu gudoomiyahii ku helay,ninkii ila tartamaayay ee kooxda Manifesto ka socdayna halkaas shacabku kalsooni kuma siin, aniga lay-siiyay oo halkaas ayaan halgankii ka sii waday.        La soco…

Comments are closed.