Milicsiga Sidii Ay Warbaahinta Dunidu Wax Uga Qortay Socdaalkii Jendayi Frazer Ee Hargeysa

0
509

Markii uu Madaxweyne Rayaale ka soo noqday dalka Maraykanka islamarkaana socdaalo ku gaalaa bixiyay dalal Afrika ka tirsan, waxa Hargeysa si lama filaan ah socdaal ugu timid kaaliyihii xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsanayd Afrika Ms. Jendayi Frazer, ka dib markii ay xukuumadii Rayaale dalka ku martiqaaday.

Ms. Frazer waxa ay Hargeysa timid 3 Febraayo 2008, waxaanay Hargeysa joogtay saacado kooban, iyadoo la kulantay Madaxweyne Rayaale iyo xisbiyadii mucaaradka oo uu ka mid ahaa Madaxweyne Siilaanyo iyo madaxdii ururkii qaran ee Dr. Gaboose madaxda u ahaa.

Booqashadaas Jendayi Frazer, oo ahayd mid inta badan Diblomaasiyiinta Gobolka ku noqotay kediso, waxa  ay dad badani u arkeen in Maraykanku isbedel ku sameeyay siyaasadiisii gobalka Geeska Afrika.

Inkasta oo ay Jendayi Frazer, saacado kooban joogtay magaalada Hargeysa, haddana socdaalkeedu waxa uu reebay aragti diblomaasiyadeed oo indhaha Caalamka ku soo jeedisay Somaliland. Warbaahinta ugu caansan dunida sida AP, AFP, Reuters, Aljazeera, Washington post iyo kuwo kale oo magac leh ayaa si hufan u baahiyay safarka Jendayi Frazer ee Somaliland, iyagoo qaar ka mid ah warbixinaha ay baahiyeen ku ladhay tacliiq iyo aragtiyo diblomaasiyadeed oo ku waajahan safarkeeda Hargeysa. Bal haddaba aan dib ugu noqono warbixinihii ay warbaahinta dunidu ka qortay safarkaas Ms. Jendayi Frazer oo uu wargeyska Geeska Afrika wakhtigaas soo ururiyay, haddana dib uga soo qaadanay kaydka Geeska Afrika.

Wakaaladda AFP

Wakaaladda wararka ee AFP, oo ah wakaalad caalami ah waxa ay qortay war ay ciwaan uga dhigtay Ergay Maraykan ah oo safar yaab leh ku tagay Somaliland.

Wakaaladdu waxa ay sheegtay in Mrs. Jendayi Frazer oo ah kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan Afirka ay maalintii Axadii safar ku tagay Somaliland, lana kulantay Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, waxaanay wakaaladu sheegtay in Jendayi Caasimadda Hargeysa gaadhay abaaro 10:00-kii barqanimo.

Waxa ay xustay in Somaliland tahay maxmiyad Ingiriisku gumaysan jiray oo la midowday Somalidii Talyaanigu gumaysan jiray sannadkii 1960-kii, “Laakiin gobolkani waxa uu ka go’ay sannadkii 1991-kii ka dib markii la riday keli taliyihii Maxamed Siyaad Barre.” Ayay tidhi Wakaalada AFP, waxaanay intaas raacisay, “Wargeyska Washington post ayaa billihi ugu dambeeyay baahiyay in Maraykanku ka wada hadlayo xaaladda taageerada uu siin doono Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dhul ka bad qaba wadanka ay ragaadiyeen dagaalada iyo kacdoonadu ee Somaliya. Laakiin saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa ka soo horjeestay fikradda ka timid qaar ka mid ah saraakiisha Wasaaradda Gaashaandhiga, kuwaas oo sheegay in taageero dibadeed oo la siiyo Somaliland uu caawin doono degenaanshaha gobolka oo dhan.”

Wakaaladda AFP waxa ay intaas raacisay oo ay tidhi, “Gobolkan oo ay ku noolyihiin dad lagu qiyaasay 3.5 Milyan oo qof waxay samaysteen Distoor shaqaynaya tan iyo sannadkii 1997-kii, kaas oo afar sanno ka dibna la ansixiyay. Waxay samaysteen Madaxweyne iyaga ka yimid, dawlad, Baarlamaan, ciidan Boolis, lacag u gaar ah iyo xeerar gaar ah.”

Wakaaladda All Africa Wakaaladda wararka ee All Africa oo xarunteedu tahay magaalada Washington ee dalka Maraykanka, ayaa qortay war ay ciwaan uga dhigtay Diblomaasiga ugu sareeya Xafiiska Maraykanka U Qaabils Afrika oo booqday Somaliland, waxaanay sheegtay wakaaladu in Ms. Jendayi Frazer safarkedu salka ku hayo sidii loo soo xoojin lahaa xidhidhka Somaliland iyo Maraykanka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Somaliland.

All Africa, waxa ay sheegtay in Jendayi Frazer ay la kulantay Madaxweynaha Somaliland oo aan laa hadda la ogayn waxyaabaha ay ka wada hadleen.

Wakaaladu waxa ay xustay in Ms. Frazer safarkeeda yaabka badnaa ku macnaysay mid ay kaga jawaabayso socdaalkii Madaxweyne Rayaael ku tagay dalka Maraykanka bishii la soo dhaafay.

Wakaaladda AP

Wakaaladda Wararka ee AP ayaa iyaduna waxa ay qortay in Jendayi Frazer oo ah Kaaliyaha xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika ay booqasho ku tagtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Wakaaladda AP waxa ay sheegtay in Jendayi markii ay tagtay magaalada Hargeysa si adag ammaankeeda loo ilaalinayay, waxaanay sheegtay in socdaalkan Jendayi Frazer yahay safarkii u horeeyay ee noociisa ah ee uu sarkaal ka tirsan Maraynaku ku tago Jamhuuriyaddan Somaliland, ee aanay weli cidi aqoonsan. AP waxa ay sheegtay in Somaliland madaxbanaanideeda dib ugala soo noqotay Somaliya sannadkii 1991-kii, ka dib markii la riday dawladii Maxamed Siyaad Barre, waxaanay xustay in Somaliland tahay dhul nabadoon marka la barbar dhigo dalka Somaliya.

Wargeyska Washington Post

Wargeyska Washington Post oo ah wargeys ka soo baxa magaalada Washington ee dalka Maraykanka ayaa cadadkiisii maalintaas baahiyay qormo uu kaga hadlay safarka Jendayi Frazer, waxaanu sheegay in Kaaliyaha Afrika u qaabilsan Xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanku ay socdaal ku tagyta Somaliland, si ay masuuliyiinta Somaliland ugala hadasho amniga gobolka Geeska Afrika ee ay dagaaladu ragaadiyeen.

Waxa uu wargeysku sheegay in Jendayi saxafiyiinta u sheegtay in maamulka Bush uu sii wadi doono inuu maamulka Somaliland kala shaqeeyo ammaanka iyo nabadgelyada.

Wakaaladda Reuters

Wakaaladda Wararka ee Reuters, ayaa iyaduna warbixin ka qortay socdaalkaas Jendayi Frazer. Warbixinta ay Reuters qortay waxa Hargeysa ka diray Xuseen Cali Nuur oo ah saxafi reer Somaliland ah, “Wafti miisaan weyn leh oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda maraykanka oo ay hogaaminayso Diblomaasiga ugu sareeya maraykanka qaaradda afrika Mrs; Frazer ayaa maalinimadii axaddii la kulantay madaxda jamhuuriyadda Somaliland si ugala hadasho arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha nabad gelyo ee gobolkan ay dagaaladu saameeyeen.” Ayay tidhi warbixinta Reuters ka diyaarisay socdaalkii Jendayi Frazer.

Wakaaladda Reuters waxa ay sheegtay in dadka Somaliland xoogga saareen nabadgelyada, taas oo waxyaabo badan hirgelisay, “Somaliland oo ku taala dhinaca gobolka woqooyi galbeed ee Somalia waxa ay gooni isku taageen 1991 wakhtigaasi oo ay dagaalo la galeen xukuumaddii kali taliska ahayd ee hogaamiye Maxamad Siyaad Barre.waxa ay ku guulaysteen inay dib u dhisaan wadanka iyaga oo nabad galyada awooda saaray taasi oo suurta galisay qabshada doorayooshin iyo hana qaad

dimiquraadiyadeed.halka wadanka Somalia intiisa kale uu ku jiro xaalad tan ka duwan. Wali ma jiro wadan ictiraaf siiyay Somaliland.” Ayay tidhi Reuters.

Telefiishanka Al jaseera

Telefiishanka Afka Carabiga ku hadla ee Al-jazeera, ayaa isaguna wararkiisii shalay iyo doraad ku baahiyay in Jendayi Frazer oo ah diblomaasiga u sareeya xafiiska Maraykanka u qaabilsan Afrika ay socdaal saacado qaatay ku tagtay magaalada Hargeysa ee wadanka Somaliland. Labada Janal lee Ingiriisida iyo Carabida ee Telefiishankaas ayaa baahiyay warkaas imaanshaha Hargeysa ee Jendayi Frazer.