Milicsiga Aragtidii Uu Madaxweyne Siilaanyo Ka Taagnaa Muddo Kordhintii Daahir Rayaale Loo Sameeyay Iyo Hadal Haynteeda Maanta Taagan

Published on Mar 01 2014 // Warar

Picture8Hargeysa(Geeska)-Muddooyinkan u dambeeyay waxa la hadal hayaa in muddo kordhin loo sameeyo wakhtiga xil hayneed ee Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ku beegan badhtamaha sannadka dambe oo ay waajib tahay in la qabto doorashadii madaxtooyada iyo doorashada baarlamaanka.

Madaxweynuhu, wuxuu khudbadiisii sannadkii hore ee distooriga ahayd ku cadeeyay inaan wax muddo kordhin ah loo samayn doonin marka uu wakhtigiisu dhammaado. Haddana waxa soo baxaya walaac ay qabaan siyaasiyiinta mucaaradka ahi oo ah inay muddo kordhini lama huraan tahay, taas oo ay samayn doonaan golaha guurtidu. Haddaba, waxa muhiim ah haddiiba ay muddo kordhintaasi dhacdo la ogaado aragtida uu Madaxweyne Siilaanyo muddo kordhinta ka qabay wakhtigii uu mucaaradka ahaa oo dhawr jeer muddo kordhin loo sameeyay madaxweynihii hore Daaahir Rayaale Kaahin. Bishii March ee 2009 oo ay golaha guurtidu madaxweynihii hore u sameeyeen muddo kordhin, ayaa Axmed Maxamed Siilaanyo oo wakhtigaas ahaa hoggaamiyaha mucaaradkii KULMIYE, wuxuu si adag uga horyimid muddo kordhintaas.  “Waxaan u arkaa go’aan ayaan-daro ah. Dabcan, waa go’aan Guurti, laakiin waxaanu u arkaa inuu gabal-dhac ku yahay geedi-socodkii Dimoqraadiyadda Somaliland oo uu waxyeelo’aan laga soo waaqsanayn u geysanayo horumarkii dalka, kuna bilaabay jidkii Keli-talisnimada iyo xorriyad la’aanta inuu horseeday baan arkaa inuu yahay aad iyo aadna waan uga xumahay, waase go’aan sidaa aanu u aragno u dhacay. Midda labaad, waxa la yaabka lihi waxa weeye; Golaha Guurtidu wuxuu u xilsaaran yahay inuu kordhiyo ama aanu kordhin isagoo sabab uga dhigaya haddii ay dalka ka jirto Nabadgelyo-daro, waqtiga doorashadu dhacayso Nabadgelyo-daro jirto, weliba mid ah in aanay doorasho qabsoomi karayn. Dalka Somaliland wuxuu mar walba ku faanayay inuu xorriyad, xasilooni iyo degenaansho haysto, sababta qodobkaa loo cuskadayna waa wax aan suurtogelayn, Sharciga iyo Distoorka ku jirin oo ka gudubsan weeye. Midda saddexaad, Komishanka doorashooyinka ayaa ku shuqul leh inay waqtiga qabtaan. Markaa, Komishanku waqti bay soo qabteen, waqtigii ay soo qabteen laftigiisiina way ka gudbeen (Guurtidu). Waxa dhab iyo biyo kama dhibcaan ah inay dawladdu awoodo badan isticmaalaysay oo ay awoodo dhaqaale isticmaalaysay.” Sidaa waxa yidhi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay sida uu u arko go’aanka Golaha Guurtida ee muddo-kordhinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa. Wakhtigaas wuxuu ahaa guddoomiyaha KULMIYE.

Axmed Siilaanyo oo goor habeenimo ah u waramay Laanta afka-Soomaaliga ee idaacadda BBC-da, waxa uu sheegay in Golaha Guurtidu aanu awood u lahayn dib-u-riixa doorashada. “Guurtidu shuqul kuma laha shaqadeedana maaha inay qabato waqtiga doorashadu dhacayso. Arrintaa haddii ay ku celinayaan waxay ahayd inay ku celiyaan Komishanka oo ay yidhaahdaan waqti munaasib ah qabta oo soo-jeediya. Guurtidu xaq uma laha inay iyadu qabato muddada doorashada oo taasi cid kale ayay xilkeeda tahay, mar walbana waanu caddaynaynay Sharciguna wuu qeexayaa. Time-line-ka (waqtiyaynta doorashada) waxa Sharciyan iska leh Guddiga doorashooyinka, mana aha inay Guurtidu qabato. Arrimahan kale oo dhana Sharcigu si qudha uun buu ogolaanayaa in loo kordhiyo, taasina waxa weeye Nabadgelyo-daro ka taagan maalinta doorashadu dhacayso ee la soo-jeediyo. Laakiin, taasi wax kastaba ha ahaatee wax la soo dhaafay weeye, maanta Nabadgelyo-daraa taala jirta ama ay tilmaamayaana ma jirto, wax isu-tanaasul ah iyo talo ah oo laga waydiiyay Axsaabta iyo talooyinkoodiina midna may soo qaadan. Markaa, waxaan aaminsanahay oo aad u cad in maanta geedi-socodkii Dimoqraadiyadda Somaliland meel weyn lagaga dhacay, inay dhaawac weyn ku keenayso dadnimadii iyo horumarkii dalku ku talaabsanayay ama umaddeedu ay hawaysanaysay ee ay hiyiga ku haysay inuu dhaawac weyni soo gaadhay baan u arkaa.” Sidaa ayuu yidhi Axmed oo la waydiiyay sida uu u arko sababo ay Mudaneyaasha go’aankaa meelmariyay ku dooddeen inay saldhig u yihiin arrintaas. Mar la waydiiyay maadaama ay go’aankaa diidan yihiin sida ay xalka u arkaan waxa uu ku jawaabay, “Annagu xal maanta ka hadli mayno, dareenkayagii u horeeyay kaa weeye, xisbi ahaana weli talo iskumaanu iman, waananu isugu iman doonaa kana tashan doonaa, umadda oo dhan way u taalaa.”

Wakhtigaas, Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in ka sokow awoodo dhaqaale oo sida uu tilmaamay Xukuumaddii wakhtigaas jirtay ay adeegsaday, ay jireen dad sife aan Sharci ahayn loo xidhxidhay, kuwaasoo ay ka mid yihiin xubno Suxufiyiin ah oo  Boolisku xidheen.

Haddaba, marka la eego aragtidaas uu Madaxweynuhu muddo kordhin ka taagnaa, waa mawqif aad uga fog hadal haynta muddooyinkan dambe soo baxaysa ee ah in Madaxweynaha ay golaha guurtidu u samayn doonaan muddo kordhin marka uu wakhtiga doorashadu soo dhawaado. Waxaana la eegi doonaa in Madaxweyne Siilaanyo uu muddo kordhintii uu cambaarayn jiray ku camal falo sidii madaxweynihii ka horeeyay oo uu codsado in doorashada dib loo dhigo iyo inuu u badheedho doorashadii xorta iyo xalaasha ahayd ee uu xilka kagala wareegay madaxweynihii xilka ku wareejiyay Daahir Rayaale Kaahin.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!