Milicsiga Wargeyska Danjire Nicholas Kay: Uur Xumaanu Ku Sagootiyaynaa

0
3991

Danjire Nicholas Kay, ergayga Qaramada Midoobay Salaasadii shalay ayuu si toos ah uga ambo baxay gobalka Geeska Afrika, waxaana u dhammaaday laba sannadood oo uu wakiil u ahaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon.

kay

Labadaas sanadood ee uu danjiruhu joogay gobalka, wuxuu magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland  ku yimid saddex safar, halka uu ergaygii ka horeeyay dhawr iyo toban jeer safaro ku yimid Somaliland,  taas oo muujinaysa halka ay kala taagnaayeen Danjiraha reer Ingiriis  iyo reer Somaliland. Dadka reer Somaliland waxay aaminsanyihiin in ergaygu si adag uga soo horjeeday qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland taas oo warar badan oo uu uga gudbiyay Qaramada Midoobay iyo golaha ammaanku dhaawaceen siyaasadda Somaliland ee aqoonsi raadiska iyo xidhiidhka beesha caalamku.

Waxa ay reer Somaliland danjire Nicholas Kay xasuusan doonaan inuu yahay  ergaygii ugu qadhaadhaa dhinaca diblomaasiyada ee Somaliland soo mara,  waxaanu labadii sannadood ee uu joogay xoojiyay dagaalka ka dhanka ah Somaliland , isagoo xarun u noqday dadka ka soo horjeeda Somaliland ee loo yaqaano Somaliland diidka.

Dardaarankiisii u dambeeyay, wuxuu carabka ku adkeeyay in lala shaqeeyo dawladda Somaliya ee Muqdisho, isagoon marna soo hadal qaadin horumarka ay Somaliland dhinac walba ka samaysay iyadoon cidna caawin.

Diblomaasigan lixdan jirka ku dhow, waxa lagu xasuusan doonaa sida uu uga guban jiray  su’aal kasta oo khusaysa Somaliland iyo sida uu iskaga dhawri jiray ka hadalka Somaliland iyo soo hadal qaadkeedaba.

Safarkiisan u dambeeyay ee uu Hargeysa ku yimid, haddii ay dawladda Somaliland shacabkeeda tallo ka maqlayso, waxa fiicnaan lahayd in lagu qaabilo aamusnaan oo aan loo muujin soo dhawayn, si loogu muujiyo in tegitaankiisu khayr u yahay Somaliland.

Dadka reer Somaliland waxay danjire Nicholas Kay ku sagootiyayaan uur xumo ay u hayaan, lagamana yaabo inay ubax iyo salaan ku nabadgelyeeyaan, waxase ay u arkaan inuu inuu kala tagay sharkiisii diblomaasiyadeed.

Geesta kale, waxa ay reer Somaliland isha ku hayaan ergayga cusub Michael Keating oo lagu tilmaamay inuu ka khabiirsanyahay ergaygaas hore, waxaanan eegaynaa inuu wax ka bedelo siyaasadaas hore ee indho isku qabadka ahayd ee saaxiibkii Nicholas Kay jeexay iyo inuu tubtaas hore raaco.

Si kastaba ha ahaate, waxa ay reer Somaliland isku mar sagootiyayaan sannadka 2015 iyo danjrihii hore ee Qaramada Midoobay. Waxaanay soo dhawaynayaan sannadka cusub ee 2016 iyo ergayga cusub ee bedelaya ergaygaas hore.